Xukuumadda Turkiga oo Mar Kale Shaqooyinkii ay Hayeen Ka Eriday 4 Kun oo Shaqaale ahaa oo ay Ku Xidhiidhisay Inqilaabkii Fashilmay

0
585

Xukuumadda dalka Turkiga ayaa shaqada ka eriday ilaa afar kun oo qof oo shaqaale ah kuwaasoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen inqilaabkii dhicisoobay ee bishii juley ee Kal hore ka dhacay dalkasi.

Qaraarkani waxa uu saameeyey ilaa Kun qof oo ka mid ahaa shaqalaha wasaaradda Cadaaladda,in ka badan Kun Askari oo  Ciidamada dalkaasi ka tirsanaa.Waxa kale oo shaqo ka erigani uu saameeyay ilaa kun duuliye oo Duuliyayaasha Ciidamada Cirka dalkaasi ka tirsan.

 

Xukuumadda Turkigu waxa ay hore shaqada uga eriday ilaa Sagaal kun oo Askari waxaanay xabsiga dhigtay kumanaan qof oo kale kuwaasi oo lagu xidhiidhiyey inay taageersan yihiin wadaadka  Fat-xulaah Guul ee degan dalka Maraykanka,kaasi oo Madaxweyne Erdugan uu ku eedeeyey inuu ka danbeeyey inqilabkii dhicisoobay.ee bishii juley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here