Daraasad Cusub: Maxay ku arkaan Riyada, Dadka Laxaadka Aragga ka Naafada ah ?

0
644

Qof walba oo dunnida ku nool wuu riyoodaa, balse inkastoo ay jiraan kumanaan qof oon xusuusan noocii riyadooda marka ay toosaan aroortii.

Bani’aadamka ugu yaraan lix sannadood ayey riyadoodaan isku-celcelis ahaan noloshooda, balse weli ma isweydiisay riyada dadka laxaadka aragga ka naafada ah?

Inkastoo riyooyinku badi qaab muuqaal loo arko, waxay ka abuurmaan waxa la cuno, waayaha la soo maray, ama kuwo maqan, iyo badi xaaladda qofka markuu seexanayey niyadiisa ku jirtay.

Haddaba, sidee ayey dadka laxaadka aragga ka naafadu riyadoodu u dhacdaa?

Cilmi-baadhis khubaro jaamacad ku taal Maraykanku sameeyeen sannadkii 2014 ayey ku sheegeen natiijadeeda in dadka xilli hore indho belay, ama ku soo dhashay aanay riyadooda wax muuqaal ah ku jirin, halka dadka wakhti dambe indho belay riyadoodu muuqaal ku jiro.

Dadka caadiga ah ayaa riyooyinkoodu is shaabahaan, isla markaana ku arkaan xaalado dhexmaraya dad kale, halka dadka laxaadka indhaha ka naafada ahi badi riyadoodu noqoto iyagoo lumay, ku dhacaya god, ama uu jiidhayo gaadhi aanay arkayn.

Inkastoo aanay indhaha waxba ka arag, waxay riyadooda ku dareemaan laxaadada kale, sida urta, taabashada iyo maqalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here