Booliska Ruushka oo Xabsiyada Dhigay Boqolaal Qof oo Dhigay Mudaharaad ay kaga Soo Hor Jeedaan in Madaxweyne Putin uu Mar Afaraad isu soo Taago Tartanka Doorashada Madaxtinimo

0
553

Ciidanka Bileyska dalka Ruushka ayaa xabsiga dhigay in ka badan boqol qof oo ka mid ahaa mudaharaadayaal isugu soo baxay Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushku iyaga oo Mudaharaadkooda ku muujiya siday uga soo hor jeedaan suuragal-nimada in Madaxweyne Buutin mar afraad isu soo taago doorashada madaxtinimadda ee 2018-ka qabsoomi doonta.

In kastoo Masuuliyiinta dalkaasi mamnuuceen isu soo baxyada hadana Mudaharaadadan waxa ku baaqay in laysugu soo baxo dhadhaqaaqa lagu magacaabo “Open Russia” ururkaas oo uu Aasaasay Siyaasiga mucaaridka ah ee Mikhaa’iil Kofeski oo isagu hadda ku nool dalka Ingiriiska.waxaanay Bileysku xidheen ilaa boqol iyo toban qof oo ka mid ah mudaharadayaasha.

 

Madaxweynaha dalka Ruushka Falademir Buutin  ayaan ilaa hadda isagu aan ka dhawaajin inuu isa soo sharaxayo iyo in kale Doorashadda madaxtinimada ee u qoondeysan inay 2018-ka ka qbsoonto dalka Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here