Nin Lagu Dilay Badhtamaha Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska

0
675

Nin toori lagu dilay ayaa laga helay bas marayay badhtamaha magaalada London.

_95863170_14fd7d1f-f0bc-4bac-96a5-965d6b21f645

Ninkan oo 48 jir ah ayaa la helay isaga si xun loo tooriyeeyay.
Baadheyaasha ayaa sheegay in ninkani uu baska ka soo raacay Brent Cross balse ay baadhayaan goobta uu marayay basku marka ay tooriyayntu dhacday.

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa daweeyay balse isla goobtii ayay ku sheegeen in uu geeriyooday, ilaa iyo hadda cidna looma qabanin weerarkaas.

Booliiska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in ay aqoonsadeen qofka la dilay balse ay xaqiijin ka sugayaan qofka ugu xiga oo ay ku wargaliyeen dhacdadan.

Qaraabada ninka ayaa lagu wargaliyay sida ay wax u dhaceenLahaanshaha sawirka.

Qaraabada ninka ayaa lagu wargaliyay sida ay wax u dhaceen
Noel McHugh oo u hadlay booliiska ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xog ka helaan dadkii ku safrayay baskaas amaba macluumaadka haya dhacdadan.

“Muhiim ayay noo tahay in aan la hadalno qof goobjooge ahaa” ayuu hadalka sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here