Madaxweyne Donald Trump Oo Doonaya In Uu La Kulmo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un

0
514

Maalmo yar uun kadib marki uu ku celceliyey inuu ka fakarayo tallaabo millatari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay inuu doonayo inuu la kulmo hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un.

FC4FBA13-43AE-415F-A500-FE4254D225FB_w1023_r1_s

Hadalkaan lama filaanka ah ee kasoo baxay Mareykanka ee ku wajahan siyaasadiisa Qaarada Asia ayaa imaanaya xilli ay xukumada Pyongyang isu diyaarineyso inay tijaabiso gantaalki lixaad oo ah kuwa xambaara madaxyada niyukleerka.

Wareysi uu siiyey Isniintii Telefeshinka Bloomberg, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay inay sharaf u ahaan laheyd la kulanka madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi haddii uu helo waqti ku habboon.

Wareysi kale oo uu Axadi siiyey TV-ga CBS ayuu Trump ku amaanay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Sarkaalki ugu sareeyey Mareykanka oo la kulmay hogaamiye u dhashay Waqooyiga Kuuriya ayaa waxay aheyd, Madeleine Albright oo soo noqotay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

Sanadki 2000 ayey la kulantay madaxweynihi hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Il oo ah aabaha hogaamiyaha xiligaan ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waligood ma yeelan xidhiidh diblamaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here