Telefishanka Caalamiga Ah Ee Euro News oo ka Warramay Baaxada Abaaraha Somaliland

0
453

Telefishanka Euronews, ayaa sheegay in 80% bulshada reer guuraaga ah ee Somaliland ay ka baxeen xoolihii ay dhaqanayeen abaarta awgeed.

Weriye ka socday Telefishankan oo la yidhaahdo Mrs. Monica Pinna oo Hargeysa booqasho ku timid ayaa warbixin ka diyaarisay rafaadka ka dhashay Abaaraha, waxaana warbixintaas soo akhriyay oo warkan inooga diyaariyay Cumar Maxamed Faarax oo ka mid ah Suxufiyiinta Shabakadda Hadhwanaagnews, waxaanay u qornayd warbixintaasi sidan:-

“In ka badan Boqolkiiba siddeetan (80%),  ayaa xoolihii ka baxeen bulshada ku dhaqan dhawr deegaan oo ku yaalla Somaliland abaarta darteed. 

Euronews, waxay kula  kulantay galbeedka Somaliland meel u dhow xadka ay la wadaagto Itoobiya,   dad badan oo gudaha Somaliland ka soo barokacay. Intooda badani waxay ka soo kicitimeen boqolaal mayl, iyagoo raadinaya  cunto iyo biyo.

“Waxaan halkan na keentay abaarta adag, laakiin xaaladdu waxay noqotay isku mid, waxaan halkan la imid 70 neef oo adhi ah oo riyo iyo Iddo iskugu jiray. Imika waxa igu soo hadhay lix neef oo kaliya,”ayay tidhi Layla  Cabdi.

“Bulshada reer guuraaga ah, saddex meeloodoow laba meelood waxay wajahayaan cunto la’aan ba’an, waxaanay u baahan yihiin kaalmo samato-bixineed,”sidaas waxa  u sheegtay weriye Monica Pinna oo ka tirsan  Euronews oo Hargeysa ku sugan. Waxaanay intaas ku dartay; “Taasina waa sababta dadkii dhawaan abaarta ku barokacay ay ugu soo guureen magaalooyinka.  9,500 oo qof ayaa Hargeysa gudaheeda soo gaadhay, intii u dhaxaysay Bilihii November ee sannadkii hore iyo April ee sannadkan, kuwaasi oo ku sugan kaamka la yidhaahdo Digaale ee Hargeysa.” Kaamkan waxa la furay 2013-kii, si loogu caawiyo qaxoontigii u horreeyay ee abaarta ku tabaaloobay. Xilliganse waxay hoy u tahay kumanaan qoys. Qiyaastii in ka badan boqol qof ayaa yimid   bil ka hor.

“Waxaanu siinay  xoogaa raashin ah, daryeel caafimaad, waxaanan maskaxda ku haynaa sidii aanu iyaga (dadkan dhibaateysan) u gacan qaban lahayn, laakiin wali ma hayno wax kaalmo ah oo naga soo gaadhay ururrada NGO-yada,” ayuu u sheegay Euronews, Xasan Cumar, oo ah madaxa bulshada ku dhaqan kaamkan Digaale. Ugaaso Yaasiin, oo ah gabadh Itoobiyaan ah ayaa ku jirta dadka dhawaan soo barokacay  ee la dejiyay kaamkan, iyadoo ay la socdeen  lix hooyo oo kale oo wata 12 carruur ah, waxaanay halkan ugu wada nool yihiin si wadajir ah.

“Xaaladda halkani way ka wanaagsan tahay halkii aanu ka nimid, dhibaatada kaliya ee noogu daran xeradani waa biyaha oo aanay taangiga biyo noogu jirin,”ayay tidhi Ugaaso, waxaanay intaas ku ladhay; “Wali waanu nool nahay, ma filayo inaanu dib u noqonno, sababtoo ah waxba ma yaallaan halkii aanu ku noqon lahayn.”

Abaartani waxay ka dhalatay markii afar xilli roobaad la waayay roobkii la filayay. Carruurta yar yar, ayaa  ah dadka ugu nugul abaartan, siday sheegtay Qarrammada Midoobay oo daboolka ka qaaday  in hal Milyan oo carruur ah, la filayo inay nafaqo darro ku dhacdo sannadkan Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here