Dowlada Mareykanka oo Tijaabisay Gantaal Rido dheer oo Qaarado Fog gaadhi kara

0
569

Ciidamada cirka dowlada Mareykanka ayaa tijaabiyay gantaal nuuca ridada dheer oo la sheegay in uu gaari karo qaarado fog fog, waxaana gantaalkan laga tuuray Gobalka California.

Gantaalkan ay tijaabisay dowlada Mareykanka ayaa ku dhacy meel aan sidaa uga fogeyn Badda Passific, waxaana gantaalkan uu hawada ku jiray masaafo dhan 6,700-KM.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada cirka dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Joe Thomas ayaa sheegay in tijaabada gantaalkan ku sameeyeen uu yahay mid caadi ah , waxa uuna tilmaamay tijaabadan in ayasan ugu tala galin muujinta cududooda.

 

Tijaabada dowlada Mareykanka ku sameesay gantaalkan ridada dheer ayaa kusoo aadaya xili uu meel xun gaaray xiisada u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya oo iyana ku mashquulsan tijaabinta gantaalo nuuca ridada dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here