Wasiirkii Ugu Da,da Yaraa Xukuumada Somaliya Oo Xalay Karkaarka La Weydaariyay, Walafsiga Maydka Wadhan Muqdisho Iyo Walaaca Haysta Wasiirada Somaliya

0
417

cabs

“ Waan Soo Gaabinayaa Safarkeyga Si Aan Uga Qeyb Galo Barroor Diiqda Wasiir Cabaas”

Waxaa Habeenimadii Xalay magaalada Muqdisho Dil Toogasho Loogu Gaystay Alle Ha Unaxariistee Wasiirkii Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Dibudhiska Somaliya Xildhibaan Cabaas Cabdulaahi Shekh Siraaji Oo Ahaa Wasiirka Ugu Da,da Yar Xukuumada Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre, Dilka Wasiirka Ayaa La Sheegay Inay Si Badheedha Utoogteen Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dawlada Somaliya Iyagoona Ku Andacoonaya Inay Ka Shakiyeen Gaadhiga Wasiirka.

Ciidamada Dilka Geystay Ayaa Gacanta Lagu Lagu Soo Dhigey Waxaana Wali Socda Baadhitaanka Dhabta Ah Ee Ka Danbeysa In Ciidamdu Xabad Ku Ridaan gaadhiga Wasiir Cabaas,

Madaxweynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi maxamed Farmaajo Oo Ku Sugan Magaalada Addis Ababa Ayaa Bartiisa Twitter-ka Soo Dhigey Inuu Soo Gaabinayo Safarkiisa Wuxuuna Madaxweynuhu Xusey Inuu Aad Uga Xun Yahay Dilka Wasiir  Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji Oo Ku Tilmaamay Haybad Qaranka Somaliya Ka Baxdey, Wuxuu Madaxweynuhu Intaasi Ku Deray inuu Ka Qayb Gali Doono Aas Qaran Iyo Barordiiq Loo Dhigo Alle Ha Unaxariistee Marxuun Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji, Waxaana Sidoo kale Marxunka Tacsi Udirey Madaxweynihii Hore Ee Somaliya Xasan Shiikh maxamuud Oo Ehelka Iyo Xildhibaanada labada Goleba Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuun Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji

Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji Wasiirkii Howlaha Guud Iyo  Dib-u- Dhiska waxaa uu Ka dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, Xukuumadda Xasan Khayre ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska

Waxaana Dilka Wasiir Cabaas Siraaji Uu Noqdey mid Argagax Ku Abuurtey Shacabka Somaliya Waxaana Baraha Bulshadu Ku Kulanto Haysta Sawirada Iyo Tacsida Umadda Somaliya Isaga Tacsiyadeynayso Geerida  Wasiir  Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here