Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Sheegay inuu Xamaamtiisa Ka Urrursanayo Golaha Wakiilada Iyo Isxoogsiga Xildhibaanadu Bilaabeen

0
439

Musharaxa madaxweyne Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Ahna Gudoomiyaha Xisbigaasi Mudd: Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Saraakiil Ka Tirsan Xisbigasi WADDANI Ayaa Ka Qayb Galay Dhagaysiga Dacwada Loo Haysto Masuuliyiin Xisbigaasi Ka tirsan Oo Muddo Ku Xidhnaa Magaalada Hargeysa Waxaana Masuuliyiintan Ay kala Ahaayeen Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme Iyo Xog,hayaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Mudane Yoonis Axmed Yoonis Oo Ciidamada Bilayskau Xabsiga Utaxaabeen.

Dhagaysiga Dacwada Ka Dib Waxaa Warbaahinta La Hadlay Gudoomiye Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro Oo Ka Hadlay Dacwada Masuuliyiinta Isagoona Fariina Udirey Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye  “Waxaa ii muuqatay Inaan wax cadeyn ah markhaatiyada markaanu dhagaysanay Aaney loo Haynin Masuuliyiintaa Xisbiga. Wax fala ama markhaati Intii aanu dhagaysanayna ku Cadeeyey Danbi Ma Jirin Laakiin Maxkamadu Wali Way socotaa Ma Jecli Inaanu Ka Hordhacno Laakiin Waxaanu Usoo Jeedinaynaa Xukuumada Iyo Xisbiga KULMIYE Inaan masuuliyiinta Xisbiga Lagu Tacadiyin,Lagu Xadgudbin Xuquuqdoodana Laga Qaadin Muwaadinimo Ee Ay Xaqa Uleeyihiin. Mucaaradka Macnihiisa Waxa Weeye Inay Xukuumada Toosiyo Oo Uu Wax Ka Sheego Xukuumadu Ma Waxay Doonaysaa Inay Amaanaan Mucaaridku Taasi Waa Ma dhici Karayso,Xukuumada Waxbaa Laga Sheegayaa Waa La Canbaaraynayaa Waa La Dhaliilayaa Waanay Soconaysaa Taasi, Waxaanu usoo Jeedinaynaa Inay Dulqaadkeeda Yeeshaan, Shalaybay Soo mareen Waddo Ay Shalay soo mareen Weeye Wixii Ay ka cabanayeen Ayay Kuwada Dhaqmayaan Maanta. Waa nala Cabudhin Jirey Xafiiskaa Nalaga Xidhan Jirey Masuuliyiintaa La Xidhi Jirey Intii Iyo In ka badan oo toban laabkeeda ayay maanta samaynayaan”

Musharax Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro  Waxa Uu Sidoo Kale Dardaaran Usoo Jeediyay Garsoorka Kiiskan Gacanta Kuhaya Isagoona Ugu Baaqay Inay Si Cadaalada Ugarsooraan Iskana Ilaaliyaan Farogalin Uga Timaada Xukuumada “Waxaanu Ugu Baaqaynaa Garsoorka Inaanay Udabcin Faragalinta Xukuumada Waa inay Madax banaanaadaan, Dastuurkaa Madax Baneeyey  Qofkii Danbi Gala Way Ku Qaadi Karaan Laakiin Kiis La Siyaasadeeyey  Ama Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka Ah Ha Noqoto Ama Saxaafada Hakasoo Jeedo Waxaanu ugu Baaqaynaa Inaan La Siyaasadeyn Muwaadin Kasta Xoriyadiisa Lagama Qaadi Karro Ilaa Danbi Lagu Cadeeyo”

Warbaahinta Ayaa Wax Ka Waydiisay Gudoomiye Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro  Xilliga uu Banaynayo Jegedda Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Oo Xiisada Tartankeedu Ka Dhex Aloosantey Golaha Wakiilada Waxaana Isagoo Gudoomiyuhu Ka Hadlayo Uu Ku Jawaabay“ Cidii Tartamaysaana Xaqbay uleedahay Inay Tartanto Ana Waan ka tagayaa”

Iscasilaada guddomiye Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro Ayaa Waxaa Udhagtaaya Shacabka Somaliland Oo u hamuunqaba Isbadal Ka Hana Qaada Golaha Wakiilada Somaliland

 ciroooooo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here