Salaadiinta Iyo Qoorweynta Subeer AWAL Oo Kulan Dhex Maray Murashaxa KULMIYE Ku Shirabay In Aanu Wareejin Guddoomiyenimada KULMIYE

0
419

salQorshe Qoorweyntu ku Doonaysay In Murashax Muuse Labada Mansabka isku Hayo Oo Miiska La Saaray Iyo Shuruud Shirka Xidhay

Salaadiinta Iyo Qoorweynta Beelweynta Subeer Awal Oo Si Qarsoodiya Hoygiisa kula yeeshay  Murashax Muuse Biixi Ko hor inta aanu Addis Ababa u bixin ayaa badka soo dhigay qorshe ay soo rog-rogeen isla markaana ay u arkeen in danta Murashaxa Madaxweyne doonka ah ee KULMIYE ku jirto.

Qooreynta oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay qorshaha uu daaran yahay kulanka ay ugu yimaadeen Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE taas oo ay usheegeen inanu dhaafin maadaama ay yihiin madaxdhaqameedkiisii qorsha ay uwadaana u arkeen dan iyo maslaxad uu kaga bixi karro inta uu hogaanka KULMIYE  hayo. Ilo xogogaala oo wargeyska SAHAN helayo ayaa tibaaxaya in salaadiinta iyo qoorweyntii madasha maraga ka ahayd ay badka keeneen in Murashax Muuse Biixi Cabdi aanu wareejin Guddoomiye nimada xisbiga isla markaana uu labadaba isku hayo. Waxaaney qoorweyntu sheegeen in haddii uu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga uu dhib-badan kala kulmidoono oonu waxbadan iska celin karrin. Iyagoona ku goodiyey in loo baahan yahay in talada xisbiga KULMIYE aanu gacanta ka bixin loona baahan yahay in doorkan iyo doorkaleba ay masraxa isasoo taagaan maadaama bay yidhaahdeen murashax muuse u da,yar yahay oo doorashooyin kale gali karro iyagoona sheegay in haddii kale aanu ka amaan helayn in la hagardaameeyo isla markaana aaney imika diyaar u ahayn inay wareejiyaan guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Hadalka qoorweynta ayaa noqonaya mid ka soo horjeeda gobonimadii beesha bariga burco ugu wareejisay guddoomiyaha xisbiga kulmiye taas oo ka dhacdey magaalada sheekh oo kulan loogu saxeexay laguna heshiiyey ku dhex maray muuse biixi iyo salaadiinta bariga burco taas oo lagu heshiiyey in muuse biixi guddoomiyaha xisbiga kulmiye lagu wareejiyo bil ka dib marka madaxweyne siilaanyo talada dalka haneedo ama qabto heshiiskaa oo salaadiintu ugu saxeexday saan.

Kulamadan qarsoodiga ah ee dhexmaray Murashax Muuse Biixi iyo Salaadiintiisa ayaa umuuqda mid dabraya midawgii siyaasada ee loogu magacdaray jeegaanta taas oo u dhexaysay labada beelaha bariga burco iyo beelaha subeer awal oo leh heshiis siyaasiya oo mataaneeyey.

Ilaa hadda macada dhawaaqa muuse biixi kaga jawaabey damaca wareejinta guddoomiyaha xisbiga kulmiye waxase diiradda lagu hayaa talaabada uu qaadi doono marka doorashadu kaabiga soo gasho iyo in uu ku adkasto inuu isku maalo qorshe ah laba daran mid doorro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here