Maxkamadda Sare Ee Hindiya Oo Ansaxisay Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Afar Nin Oo Kufsaday Gabadh 23 Jir Ah

0
617

Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa tiirisay xukunki dilka ee afar nin oo si arxan dara ah u kufsaday qof dumar ah oo saarneed baska dadweynaha ee sanadii 2012, dhacdadaasoo keentay dibad baxyo baahsan oo soo jiidatay dareenka caalamka ee rabshadaha ka dhanka ah haweenka.

Maxkamad_Uganda_Askar_660

Maxkamada ayaa ragan ku heshay danbiga iyadoo xeer illaalinta dalbatay ragan in la dilo, xukunkan ay maxkamada riday ayaa ah mid ay si weyn usoo dhaweenayaan shacabka Hindiya in badan oo kamid ah oo u ololeenayey in xukunka dilka lagu fuliyo dadka kufsiga geysta.

“Waxa uu ahaa falkan dambi waxashnima ah islamarkaana ruxay damiirka bulshada ,” ayuu sheegay garsoore R. Banumathi qolka buuxa ee maxkamada maalinti jimcaha.

Jyoti Singh, oo 23-sano jir arday ah ayaa, la kufsaday islamarkaana dhimasho looga tagay koox ka mid ah shan nin oo dhallinyaro ah ka dib markii ay soo raacday baska iyadoo u hoyanayso gurigeeda. gabadhaasi oo u dhimatay dhaawacyadii soo gaaray markii danbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here