Dawladda Shiinaha Oo Saddex Nin Oo Budhcad-badeeda Ah Ku Wareejisay Maamul Gobolleedka Puntland

0
449

Ciidamada badda  ee  dalka Shiinaha ayaa dekeda Bosaso keenay saddex Nin oo burcad-badeed Soomaaliya, kuwasoo gacanta lagu dhigay ka dib markii ay isku dayeen inay afduubaan Markab sitay Calanka Dalka Lubnaan bishii hore.

Burcad-badeed

Saddexdan nin oo lagu kala magacaabo  Maxmed Cabdulahi Maxmed, Cabdikariin Saalax maxmed (Aw-koombe), iyo  Maxmuud Mahad Yuusuf, waxaa lagu wareejiyay Masuuliyiinta Ciidamadda Amniga maamul gobolleedka Puntland, waxaa kaloo lagu wareejiyay masuuliyiinta  hubkii ay wateen burcad-badeedu.

Agaasimaha wasaaradda Dekedaha maamul gobolleedka PuntlandC/majiid samatar Jaafaan oo toddobaadkii hore warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in burcadeeda markabka weerartay ay ahaayeen 5 nin, balse  saddex nin ay gacanta ku dhigeen ciidamada shiinaha, labadii kalena ay  haatan ku dhuumanayaan  qaar ka mid degmooyinka gobolka Gardafuu ee  Puntland.

Gabagabadii, Waa markii u horraysay muddo sannado ah maamul gobolleedka Puntland lagu wareejiyay Burcad-badeed ay soo qabteen ciidamadda Caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhowaan maxkamad la horkeeni doono sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here