Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Dhex-maray Ciidamada Pakistan Iyo Afghanistan

0
529

Isku dhacyo xuduudda ku dhex maray ciidamada dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa dhowr qof oo shacab ah ku dilay, islamarkaana tobanaeeyo ku dhaawacay dhul lagu muransan yahay, sida ay sheegeen saraakiil.

5F069D56-7ACA-49E1-AB89-AA6ACEDC40C3_w1023_r1_s

Afhayeen u hadlay ciidamada Pakistan ayaa sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii ciidamada Afghanistan ay rasaas ku fureen koox tira-koob dad ka sameeneysay magaalada Koonfurta Galbeed ee Chaman.

Dhaqaatiir ku sugan Chaman ayaa VOA u xaqiijiyey in ugu yaraan lix qof oo shacab ah la dilay, islamarkaana in ka badan 30 kale la dhaawacay.

Saraakiisha milatariga Pakistan ayaa sheegay in isku dhacyada ay sii xoogeysteen islamarkaana ballaarteen tan iyo markii ay billowdeen, islamarkaana weli ay socdaan.

Major-General Asif Ghafoor ayaa sheegay in dhowr ka mid ah askarta Pakistan oo ilaalo ka ah dad shacab ah oo tira-koob sameenayey ay ka mid yihiin dhaawaca.

Waxa uu sheegay in ciidamada Pakistan ay rasaas jawaab ah ku fureen kuwa Afghanistan, islamarkaana dhinaca xuduudda la isaga gudbo ee Chaman la xiray.

Saraakiisha ammaanka Afghanistan ayaa VOA u sheegay in qof rayid ah uu dhankooda ka dhintay, islamarkaana qaar ka mid ah booliiska xuduuddala dhaawacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here