Ololihii Doorashada Madaxtinimada Faransiiska Oo La Soo Gabagabeeyay

0
446

Waxaa la soo gebagabeeyay ololihii doorashada madaxtinimada Faransiiska iyadoo maalinta berito ah ay dadku u dareerayaan codbixinta doorashadaasi.

_95930029_france

Kooxda ka shaqeynaysay ololaha doorashada madaxtinimada ee musharax Emmanuel Macron ayaa sheegtay in ay dhibane u noqdeen weerrar ballaaran oo dhanka internet-ka kaddib markii dikumintiyo muhiim ah la soo dhigay online-ka

Waxa ay kooxdu leedahay, dikumintiyo rasmi ah oo la jabsaday ayaa waxaa lagu dhexqasay kuwo been abuur ah si dadka loo wareeriyo.

Ra’yi uruurintii ugu dambaysay ee la sameeyay kaddib dooddii Arabacadii laga sii daayay taleefishinka, ayaa dhammaan muujinaysa in Emmanuel Macron uu aad oga horreeyo hogaamiyaha midigta fog Marine le pen.

Dhanka kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ahaan Faransiiska, ayadoo ay ciidamada dalkaasi ku jiraan feejignaan sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here