WADDANI Oo Madaxweynaha Uga Cawday Hab-dhaqanka Ee Xukuumaddu Ula Macaamisho Masuuliyiin Ka xidhan & Rejada Cirro Ka Qabo In Wax Laga Qabto

0
586

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo Xisbigaasi ka tirsan, ayaa Shalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo markii kulankaasi dhamaaday Gurigiisa kula hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inay Madaxweynaha ka wada-hadleen Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda, Doorashooyinka iyo Cabashooyinka uu Xisbigu ka qabo Xukuumadda oo xidh-xidhay Masuuliyiin Xisbigaasi ka mid ah.

Guddoomiye Cirro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Farriin aanu ka qaadnay Xisbiga ayaanu Madaxweynaha kala hadalnay, waxyaabaha aanu ka wada-hadalnay waxa ugu Muhiimsanaa laba Qodob, mid wuxuu ahaa Arrinta Geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashada, Madaxweynaha waxaanu kala hadalnay in Arrimaha Doorashada si dhow looga wada-tashado, in Garoon loo siman yahay uu noqdo Garoonka lagu tartamayaa, inaynu ka taxaderno waxyaabaha sababaya in Doorashadu dib inoooga dhacdo, wixii Talooyin ah ee aanu haynay waanu u gudbinay Madaxweynaha, wixii War-bixinno ee ku saabsanaa Safarkayagii (Yurub) iyo dareenka Beesha Caalamka waanu u gudbinay Madaxweynaha iyo dareenka Beesha Caalamka.”

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay inay Madaxweynaha kala hadleen Cabashooyin uu Xisbiga WADDANI ka qabo Xukuumadda, kuwaasi ay ka mid yihiin habka Xukuumaddu ula dhaqantay Masuuliyiin Xisbigaasi ka xidhan, “Cabashooyin faro badnaa oo is-barkan oo Xisbigu ka tabanayey (Xukuumadda), Habka loola dhaqmay Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ka mid ah oo xidh-xidhan ayaanu ka wada-hadalnay Madaxweynaha, waxaanu ka wada-hadalnay Madaxweynaha in Mudnaanta ay leeyihiin la siiyo Masuuliyiinta Xisbiga ka xidhan, iyo in Xisbiga Mucaaradka ahi uu Xukuumadda dhaleeceeyaa aanay Dambi noqonin, maaddaama oo ay shaqadiisuba tahay inuu Xukuumadda wax ka sheego ama dhaleeceeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay sidoo kale isla garteen Madaxweynaha, in Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komiishanku ka wada tashadaan wixii soo kordha ee la xidhiidha doorashada, “Waxaanu isla garanay in Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komiishanka Doorashooyinkuba marka ay wax soo kordhaan ay si talo wadaag ah iskugu yimaaddaan, markaa waxaan isleeyahay kulankaasi Midho-dhal buu ahaa, waanuna u Mahad-naqaynaa Madaxweynaha fursaddaa aanu ku kulanay, waxaanuna rajeynaynaa in wixii aanu ka wada-hadalnay ay fuli doonaan, wixii Cabashooyin ah ee aanu ka cabanayna in wax laga qaban doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here