Maayer Soltelco Oo Kulamo Dhiig-Bax Ah La Qaatay Hogaanka Xisbiga WADDANI iyo Xaalkiisa Oo Noqdey Xaydha Jecli Beerka Jecli

0
619

soltecoQorshe Dhuumo-Dheraga Oo Maayer Soltelco Ku Mijo Xaabinayo Maaliyadii Dawlada Hoose Iyo Diranayaal U Dhego Nugul Oo Laba Eefka dhigay

Maayer Soltelco Oo Shiidaal Xadi Badan Bishii Siiya Xisbiga WADDANI Iyo Damaca Qoddobo Shirka Loogu Bushaareeyey

Maayerka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid (Soltelco) ayaa kulamo qasroodiya iskaga dabqaadaya qaar ka mid ah hotelada hargeysa kuwaas oo uu la yeelanayo masuuliyiinta xisbiga WADDANI isla markaana  lagu nashqadeeyo shax ay ku xidhiidhaan labada dhinac.

Waxaana ilo xogogaala oo dhaq-dhaqaaqiisa diiradda ku hayaa wargeyska SAHAN u xaqiijiyeen in maayer soltelco u xuubsiibtay dhaqaalo uruurinta xisbiga waddani isagoona kulamo fool ka fool ah la yeesha xubnihii isbahaysiga falaagoobay iyo hogaanka xisbiga WADDANI.

Kulamadaas labada dhinac ayaa lagu nashaqadeeyey qoddobo xoojinaya xidhiidhka maayer soltelco iyo xisbiga WADDANI si ay ugaadhaan hadafka ay yaqiinsan yihiin inay ku shuraakoobeen oo mid waliba dhankiisa sheegay inuu ka soo baxayo.

Maayer soltelco ayaa masuuliyiinta xisbiga WADDANI  ugu wala maray inuu ka soo baxayo qoddobada ay ku heshiiyeen isla markaana si deg-dega ugu dhaqaaqayo qorshe marag u ah inuu fulinayo heshiisyadii ay kala saxeexdeen xisbiga waddani,

Isla markaana bixinayo dhaqaalaha ugu badan ee xisbiga lagu dhaqaajiyo iyo xubno cuqaal beeshiisa ah oo cudud iyo taageero ku soo kordhisa xisbiga taas oo ka qayb qaadan doonta in xisbigu taageero ka helo deegaanada uu ku abtirsado isagoo isticmaalaya diranayaal u dhego nugul oo uu kashooda lacag ku iibsaday.

Maayerka ayaa masuuliyiinta xisbiga ka codsadey inaanay bixin xogaha ay ku wada hadlaan si aan loo dabrin kursigiisa iyo dhaqaalaha uu ku guneeyo xisbiga WADDANI maadaama uu xukuumadda iyo xisbiga  kulmiye u jilayo inuu iyaga la socdo si aanu uwaayin kursiga maayernimo ee caasimada maadaama uu Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi U ogalayn inuu maayer sii ahaado haddii uu ku guuleysto doorashada dalka.

Ilo xogogaala ayaa tibaaxaya in maayer soltelco siiyo xisbiga WADDANI Shiidaal xadi badan oo lagu qiyaasay  shankun iyo shanboqol oo litir kaas oo uga masuul yahay xoghayaha maaliyada cabdirisaaq khaliif balse oo ay tusoo dirtaan darawalada gaadiidka u wadda si aan loo fahmin qorshaha xidhiidhsan.

Kulamadan dhiig-baxa ah ee maayerka caasimadu la qaatay xisbiga WADDANI ayaa ah mid curdan-dhadhiyey kalsoonidii xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku qabeen maadaama uu dhuumasho dhabarku muuqdo ku badashay xidhiidhkii xisbiga iyo xukuumadda

Xaalka Maayer Soltelco ayaa Noqdey Xaydha Jicli Beerka Jeci isagoona shaqadii loo igmadey kaga mashquulay kulamo daahir yaa shamis ah  waxaana dulhoganaya musuq-maasuq xadhkaha goostay taas oo ku jaxaasto maaliyadii dawlada hoose kuwaas oo ku naas-nuuujiyo xubno diranayaal u ah.solteco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here