‘Adeer waxaan ahay Rajay kamida Ubadka dalkani leeyahay ‘

0
522

=> Waxaan xidhanahay Calankii dalkayga wali maanta kahor maan helin Farxada Masuulkaan udoori lahaa Hogaanka dalkayga

 

Goorsheegta ama Saacadu waa 1:50 Pm Ee duhurnimo waxaan  lajoognaa  Aniga iyo qaar kamida asxaabtaydu  Musharaxa xisbiga Mucaaridka Ee Ucid Eng: Faysal cali waraabe goobta waxaa isaguna kusugan wiil Yar  Oo ay kamuuqato duruufo Nolaleed balse garanaya Inuu dalkiisi hooyo dhex joogo

 

Musharax Faysal wuxuu salaamay Wiilkii yaraa  bariido kadib wuxuu  kusoo dhaweeyey Madashii Uu Fadhiyey Meel kamida waxaan dhexmarey weydiimo  kala Duwan Oo Markii hore Naga Daahsoona wuxu Musharuxu wiilkii  weydiiyey heerkiisa waxbarasho  iyo hab nolaleedkiisa gaarka

 

Cabdicasiis Waa magaca Wiilka yar Ee Sheekada dareenka leh Nala wadaagay daqiiqadaha wakhtiga Macabiri karno halkay kusocdaan balse waxaanu dhagaha laraacaynaa dhawaaqa wiilkani kasoo baxaya

 

Da’adiisuna waa xilliga ubadku ay ubaahnaayeen  Xanaanada waalidka laakiin kama muuqato inuu isagu helay Daryeelka ay helaan Caruurta dhigiisa wuxuu hadalkiisu jaawaabo unoqday weydiimihii Uu hogaamiyaha Shacabku weydiinayey waxayna sheekadu udhacday Sidan

 

‘’ hooyaday waxay iiga tagtay dhibaato  kaga Timi Qoys kayaga Muddo kadib way dhimatay Anoon aan helin daryeel hooyanimo Oo dhameystiran ,Aabahay waa Askari kamida geesiyada Nafahoodi uhorey daafaca dalkiisa wuxuuna jooga Jiidaha hore

 

Hadda da’adaydu waa 12 jir intii badnayd Ee Nolashayda aniga ayaa isasoo koriyey waxaan ka helaa Masaariif aan badnayn Oo dhan 7000 Sl SH gaadiidka Dadweynaha Ee Tigaha (Baabuurta yar yar  Ee Xaafadaha U kala baxa) Oo aan ka shaqeeyo Mararka qaar

 

Hoyga kaliya Ee aaan ku leeyahay Magaalada Burco Waa Gaadiidka Tigaha Oo aan dhexdooda seexdo markaan shaqada soo dhameeyo aniga ayaa dugsiga iska bixin jiray  laakiin Mahaysto dhaqaale aan ku helo Nolol wanaagsan  ’’

 

Indhahaygu waxay qabanayeen intii aanu fadhinay Barxada Hotelka kahor kulanka aanu layeelanay Musharaxa Xisbiga Ucid wiilka yar Oo marba Miis fadhiisanaya Si Uu uhelo Qadada maanta Oo indhaha laraacaya Qolaalka Casuumadaha lagu qabto Ee udhow goobtaanu fadhinay

 

Musharax Faysal Cali Waraabe kadib Markii Uu dhageystay Sheekadii Wiilka wuxuu Ubalan qaaday inuu  Udhisi doono Nolol wanaagsan intii dadaalkiisa hadda laga bilaabana lageyn doono goobaha waxbarashada kuwooda  ugu Tayada wanaagsan Si loosiiyo daryeel dhameystiran haddi ilaahay ka dhigo

 

Ka dib Farxad kamuuqatay wajiga wiilka wuxu uduceeyey Musharaxa ilaahayna wuxuu uga baryey Inuu ka dhigo Hogaamiyaha Mustaqbalka

 

Waxaa Fariintan idiin Soo gudbinaya Midowga Isbadel doonka Dhallinyarada Somaliland Ee ‘SAMADOON BURCO

 

‘ Ubadkeenu waa ubixii qaranka aynu daryeelo inagoo isku duuban ‘

Alla Mahadleh

Sakariye Cabdikariim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here