Cudurka Shuban Biyood ayaa ka dilaacay Xabasiga Weyn Ee Magaalada Burco Oo ay U geeriyoodeen Laba Maxbuus Iyo Askartii Ilaalineysay Oo Uu Saameyn ku yeeshay

0
468

cudurka Shuban biyoodka ayaa ka dilaacay Xabsiga weyn Ee Magaalada Burco waxaan ugeeriyooday ilaa Inta la ogyahay laba Maxbuus halka Maxaabiis badan oo kalena uu soo ritay xanuunku waxa sidoo kale u jiifa Askartii ilaalada kaga jirtay Xabsigaasi kuwaasi oo la soo sheegay inay ilaa Shan Askari la ildaran yihiin Cudurkan
War saxaafadeed Wasaarada Calaaladdu ay soo saartay Waxay  faah faahin kaga Bixisay Xaaladihii ugu danbeeyey Ee Xanuunka Shuban biyoodkaasi Ee Ka dilaacay Xasbiga Burco Waxaan ku saxeexnaa Wasiirul dawlaha Wasaaradda Calaalada Khadar Axmed Diiriye ayaa waxaana uu udhignaa sidan

 

” Maanta Oo Axada Taariikhduna ay Tahay 28/05/2017Waxa Xabsiga Magalaada Burco ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka waxaana U geeriyooday Laba maxbuus oo ka mid ahaa Maxaabiista la xukumay ee Xabsiga Ku jirtay

Cudurka Shuban biyoodka oo meelo badan oo wadanka ka mid ah hore uga dilaacay Waxaa calaamadihiisa lagu arkay Xabsiga Burco markii u horaysay,Shalay Sabtidii 27/05/2017,illaa iyo hadda waxa uu cudurku soo ritay oo ujiifa 54-Maxbuus,oo ka mid ah 270-Maxbuus oo Xabsigaasi ku jira,iyo shan askari oo ka mid ah Ciidanka Asluubta ee Xabsiga Burco”

Waxa kale uu yidhi “Iskaashi deg deg ah oo ay wada jir u sameeyeen Wasaaradda Cadaalada,Wasaaradda Caafimaadka,Ciidanka Asluubta,Xeer illaalinta Gobolka Togdheer iyo Hayadda ICRC Waxay ku guulaysteen inay hakiyaan Fiditaanka Cudurkaasi iyadoo la raacayo habkii lagu xakamayn lahaa Cudurka Shuban biyoodka Dhamaan Shaqaalaha iyo dhakhaatiirka ka hawlgalaysa Xabsigu iyagoo hawshasi sii wada waxa ay dadaal ugu jiraan Xakamaynta Cudurka si looga bad baadiyo inuu ku sii dhex faafo Maxaabiista kale ee aanu wali cudurku saamaynta ku yeelan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here