Faa’idooyinka laga helo Cunista Timirta Xilliga Afurada

0
640

Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmin badi dalagyada kale ee la quutaa dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul. Timirtu waxa ay leedahay faa’iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha Haddaba faa’iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

  • Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano “Pectin”
  • Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.
  • Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada “Fluoride”
  • Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.
  • Waxay dawaysaa Dhiig yaraanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2
  • Waxay dawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
  • Waxay dawaysaa Appetite la’aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
  • Waxay dawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.
  • Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer-ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer-ka.
  • Waxa ku jirta Maadada daawaysa Itaal darada xagga Galmada
  • Waxaa ku jirta Maadada “Poron” oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda
  • Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A
  • Waxay dawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada riqa; waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1
  • Waxay dawaysaa Timaha daata,Daalka Indhaha ,Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushimaha taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.
  • Waxa ku jirta Maadada dawaysa Infection ka Dubka ama jidhka.
  • Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.
  • Waxay dawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa Vitamin C.

Geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa’iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo xilliga Afurada caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u Dheefshiidaa, waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jidhka ku jira ay isu dheelli tirto

markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaadhsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here