Halkee Ayuu Ku Yaalaa Ceelkii Uu Cismaan Binu Cafaan Ka Tagay Ee Ilaa Iyo Hadda Jira ?

0
2319

Ceelka magaciisa la yidhaahdo Rooma ayaa waxa uu ku yaalaa Magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara, ceelkan waxa ka tagay Saxaabigii Cusmaan Binu Cafaan waxaanu Ceelkaasi jiray 1,400 oo sano.

Ceelkan waxa uu Cismaan Bin Cafaan uu Iibiyay Dadkii Muslimiinta ahaa ee ku noolaa Magaaladaasi, waxa aanu Dadku biyaha Ceelkaasi ku cabi jireen bilaash, biyaha Ceelkaasi ayaa ah kuwa ilaa iyo haatan lagu waraabiyo beer ku ag taalla oo ay wasaaradda Beeraha ee Dalka Sucuudigu gacanta ku hayso.

Cusmaan binu Cafaan waxa uu ka mid ahaa Tijaartii Saxaabada sidoo kale waxa uu ahaa Khaliifkii Saddexaad waxaanu ka mid yahay Tobanka asxaabi ee Jannada loogu bushaareeyay, waxaanu qabay hablihii uu Nabigu NNKHA dhalay waxaana lagu naanaysi jiray Dal Nuurayn.

Ceelkan waxa markii hore lahaan jiray nin saxaabi ah oo la odhan jiray Rooma Al-qafari, waxaanu biyaha ka iibin jiray Dadka, markii arrintaasi soo gaadhay Cusmaan Binu Cafaan ayuu ku iibsaday Ceelkaasi lacag dhan 35 kun oo Dirham, Cusmaan waxa uu ku yidhi Nabigi NNKH “Waan iibsaday, waxaanan ugu deeqay Muslimiinta”, run ahaantii qisada Ceelkaasi waxay ina tusinaysaa in Camalka wanaagsan iyo saddaqada joogtada ah ee uu qofku dar Ilaahay u bixiyo uu ku muttaysanayo Jannada waana arrin ku dayasho mudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here