Wiil Laba Madax Leh Oo Ku Dhashay Dalka Suuriya iyo Waddan La Geeyay Si Xaaladiisa Loola Tacaalo!

0
516

Warbaahinta Dalka Suuriya ayaa soo bandhigtay Arrin Mucjiso ah kadib markii wiil yar uu ku dhashay isaga oo laba madax leh.

Dhakhaatiirta qaar ayaa markii hore waxay shaaciyeen in aanu ahayn wiil kaliya, balse ay mattaano yihiin laakiin markii dambe waxa la xaqiijiyay inuu yahay wiil laba madax leh, dhakhaatiirta ku sugan Magaalada Idlib ee uu wiilkan yari ku dhashay ayaa waxay awood u waayeen inay wax ka qabtaan xaaladda uu ku sugan yahay Ilmahan yari, waxaana wiilkaasi yar ee labada madax ku dhashay loo gudbiyay dhakhaatiirta dalka Turkiga si loola socdo xaaladiisa caafimaad isla markaana wax laga qabto haddii ay dhakhaatiirta dalkaasi Turkigu wax ka qaban karaan.

Waa arrin ka mid ah mucjisooyinka Ilaahay ee inoogu baahan in aynu ku cibro qaadano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here