Madaxweynaha Faransiiska Oo u Cadeeyey Dhigiisa dalka Ruushka In aanay Gacmaha ka Laaban Doonin Dagaalka Suuriya

0
656

Madaxweynaha Faransiiska Mr: Emmanuel Macron ayaa si toos ah ugu wargaliyey madaxweynaha Ruushka Mr: Vladimir Putin, oo booqasho ku yimid caasimada Faransiiska ee Paris, in aan dawladiisu gacmaha ka laabanayn marka ay u adeegsato xukuumada Suuriya dagaalka sokeeye hubka kiimikada ah.

Hase ahaatee, madaxweyne Putin oo arintaasi ka jawaabaya ayaa ku dhawaaqay in qorshaha caalamiga ee ugu muhiimsani uu yahay la dagaalanka argagixisada Suuriya ee ayna ahayn la dagaalanka xukuumada Suuriya ka jirta.

Geesta kale, labada madaxweyne waxa ay kulankoodii ku heshiiyeen xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo uu Mr: Putin ka dalbaday madaxweyne Macron in uu dadaal u galo sidii cunoqabatayntii midawga Yurub ku soo rogay ganacsato Ruush ah iyo diblomasiyiin looga qaadi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here