Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Digniin Udiray Masaajidada Kala Horeeya Wakhtiga Afurka Iyo Suxuurta.

0
506

khalilWasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa ka hadashay kala horeynta xiliga Afurka, gaar ahaan maasjida laga Aadaamo ka hor waqtiga Afurka

Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo wasiirka wasaarrada Diinta iyo Awqaafta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Soomaaliland in aysan aqbali doonin in xilliyada salaada Maqribka la kala horeysiiyo.

Sheekh Khaliil ayaa sheegay in Imaamyadda qaarkood Adimaan  iyadoo aan la gaarin xilligii Afurka, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay qaataan amarada wasaaradda Diinta oo aysan ku xirnaan Imaamyadda masaajida  kaliya.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo diinta Islaamka, oo aan la sameyn xad gudub iyo in dadka laga qalqalgaliyo cibaadada.

Digniintan ayaa imaneysa xili meelo badan oo ka mid ah dalka mar marka qaar dadku ku jahwareeraan waqtiga Afurka, madaama ay jiraan masaajido qaarkood laga Aadaamo ka hor waqtiga caadiga ah ee inta badan Salaada Maqrib la tukado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here