Xukumadda Oo Ka Jawaabtay Digniin Dawlada Ingiriisku Kasoo Saartay Amaanka Somaliland, Kana Hadashey Saamiga Itoobiya Ka Heshay Dekada Berbera

0
708

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay fariintii digniinta ahayd ee ay dawlada Ingiriisku u dirtay shacabkeeda iyo waliba safaro uu dhawaan ku tagay dalka Dibadiisa iyo nuxurka ay xambaarsanaayeen.

“wasaaradda arrimaha dibada ee ingiriiska iyo ta maraykankuba had iyo jeer waxay soo saran talo ay ujeedinayaan shicibkooda talada ay imika ka bixiyeen marka aad eegto runtii mid cusub maaha waa mid baryahaaba jirtay wadanii laysku odhan jiray somaaliya ee imika lakala yidhaahdo somaaliland iyo somaaliya waa laysku qaadaa xaaladiisa waa xaalad adag ayaa layidhaahdaa waa looga digaa dadka doonaya iney u safraan, waxaa laga reebaa magaalada hargeysa iyo maagalada berbera”ayuu yidhi sacad cali shire.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa beesha caalamka iyo aduunkaba ucadeeyay in Somaliland ka jirto nabad gelyo buuxda, waxaanu yidhi”runtii talabadaasi mid inaga inagu haboon maaha waayo xaalada nabad gelyo ee ka taagan Somaliland way ka duwan tahey nabad gelyada ka taagan somaaliya halkaa runtii waxaa ka jirta cadaalad daro horena waan usheegnay waxan rajeynayaa in arrinkaa la saxo oo dadka warka saxda ah loo sheego oo la yidhaahdo Somaliland waa meel nabad ah imikaba waa la joogaa qofkuna aanu kala kulmi Karin wax argagixiso ah”ayuu hadalkiisa ku sheegay Dr. Sacad cali shire.

Sidoo kale waxa uu wasiir Sacad ka hadlay saamiga Itoobiya laga siiyey dekeda magaalada Berbera”waxaa laysla gartay si dawlada itoobiya ay u isticmaasho dekada berbera iyada laftigeedu iney dano u yeelato oo dekada maalgashato sidaa ay u maal gashaneyso shirkada DP WORLD maal gashigaa waxaa laysla gartay Ilaa 19% sida look ala siinayaa waxaa weeye 14% waxaa siineysa dp world inaguna waxaanu siineynaa boqolkiiba 5%”ayuu hadalkiisa kusoo xidhey wasiir sacad cali shire.sacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here