Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka War Bixiyey Safar Uu Ku Joogo Qaar Ka Mid Ah Dalalka Dibada

0
566

Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Muddane Sharmaake Geelle ayaa waxaa uu ka war bixiyey safar uu maalmihii ugu danbeeyey uu ku joogay dalal Kenya Iyo Rwanda waxaana uu yidhi

” Waxaanu mudooyiinkii u dambeeyey safar shaqo ku joognaa dalalka Kenya iyo Rwanda, halkaas oo aan dedaal ugu jirno sidii ay xirfad iyo xidhiidh wadaag u wada yeelan lahayeen machadka tababarka shaqaalaha dawlada Somaliland “CSI” , machadyada Kenya School of Government “KSG” iyo Rwanda Management Institute “RMI” , iyadoo ay markii hore xidhiidh lahayeen oo keliya machadka shaqaalaha Ethiopia ECSU

Talaabadan ayaa shaqaalaha dawlada u horseedi doonta machad tayyo le isla markaana machadka shaqaalaha dawlada u abuuri doonta hal-beeg iyo hiigsi cusub. ka sakow xulashada shaqaalaha, tayeyntooduna waa mudnaanta koobaad ee yoolka u ah hay’adda shaqaalaha dawlada CSC ” ayuu yidhi Gudomiyaha Haaya’dda Shaqaalaha Somaliland Muddane Sharmaake Geele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here