Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo AWaamir Culus Dul Dhigay Dhul Daaqsimed La Isku Laayey Oo Ku Yaala Degmada Adhi Cadeeyo

0
531

faratonWasirka Arimah Gudaha Somaliland Yaasin Maxamud Xiir Faraton Oo Mudooyinkii U Danbeyey Ku Sugnaa Magaalada Laascanod Ayaa Soo Afjaray Shaqaaqo Ka Dhacday Degmada Adhi Cadeeye Ee Ka Tirsan Gobolka Sool Shaqaadasi Oo Dhexmartay Laba Beelod Oo Wada Dega Degaanka Adhi Cadeeye

“Halkan Waxaanu Ku Wada Soconay Dad Badan Oo Waxgarad Iyo Laba Beelod Oo Ku Dagaalamay Degaankan Adhicadeeye Oo Ayaamo Dhawayd Xooga Shaqaaqoyin Ka Dhaceen Labadii Beelod Ayaan Halkan Isugu Keenay Waxaan Dhican Baadhis Kaga Jirnay Waxyabaha Sababay Iyo Waxaa La Isku Hayo

Sidoo Kale Waxaa U Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasin Maxamud Xiir Faratoon Waxaa U Sheegay In Ay Awaamir Dul Dhigeen Beelaha Ku Dagaalamay Degaanka Xoolo Daaqsinka

“Dhinaca Kalena Waxaan Halkan Ka Jeedinay Awaamir ,Wareegtoyin Iyo Go,aamo Aanu Ku Soo Saarnay Hadii Aanu Nahay Dawlada Bulshada Degaankan In Ay Ku Dhaqmaan Oo Nabada Ku Ilaaliyaan Awaamirtasi Noocyo Badan Ayey Isugu Jireen

Waxaa Ka Mid Ahaa Awaamir La Xidhiidha Dhulkan La Isku Haysto Oo Ah Arinta Ugu Wayn Ee Loo Arkaayo In Ay Sabaab U Tahay Had Iyo Gooraale Isqabadka Iyo Iska Hor Imaadka Bulshada Degaanka Ku Nool

Waxaa Kale Oo Aan Soo Saarnay Awaamir Kale Dadka Degaankani Waa Dad Xoolo Dhaqataa Xoolo Ayey Ku Nool Yihin In La Joojiyo Dhulkan La Kala Xidhay Oo La Calaamadsado Oo Dhulka Od La Iskaga Xidho Dhulkaasi Waa Xoolo Daaqsimed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here