Dufaano Siyaasadeed Oo Soo Wajahay Maayirkii Degmada Burco Iyo Beeshiisi Oo Ka Huleeshay Xisbiga KULMIYE

0
476

muradXiisad siyaasadeed ayaa soo wajahdey maayerka degmada Burco USTAAD Maxamed Yuusuf Muraad taas oo istaadhay mooro siyaasadeed oo jahweer ku ridey siyaasadii burco, xiisadan oo maayer muraad la dariska noqotay ayaa la wariyey inuu xakamayn kariwaayey in beeshiisi ay ku sii jirto xisbiga kulmiye ee uu ka tirsan yahay ilo looga qaateena oo wargeyska sahan helayo ayaa tibaaxaya in maayerku ladqabayn kariwaayey cuqaasha iyo dhalinyarada beeshiisa ee xadhkaga ka goostay kulmiye.

 Maayirka Degmada Burco Oo Habiimadii Xalay Doonayey In Kulamo La Qaato Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beesha U Ka Soo Jeedo Ee Reer Biniin Ayaan Suurto Gelin Ka Dib Markii Ay Cuqaasha Iyo Waxgaradku Ku Gacan Saydheen Kulankaasi U Doonayo Maayir Muraad

Kulamada dhicisoobay ee maayer muraad ayaa ka marag kacay sida aanu gacanta ugu haynin in beeshiisu muujiso in ay uqabsoomaan siyaasiga majaraha uhaya degmada burco maadama uu yahay duqa degmada burco masraxa siyaasada uu isagu ka ciyaarayo balse kulamadaasi Ayaan qabsoomin is fahan la,aan labada dhinac ah iyo tabasho isbiirsatay oo biishiisu aragtay.

Beesha U Ka Soo Jeedo Maayirka Degmada Burco Ayaa Ka Cabanaysa In Xukuumada U Hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamud Silaanyo Iyo Xisbil Xaakimka Kulmiye Ay Ka Tabanayaan Tabashoyin Badan Oo Ku Saabsan Saamigii Ay Beesha Reer Biniin Ku Lahayd Xisbiga Kulmiye Taasina Ay Sababtay In Ay Ka Huleelan Xisbiga Kulmiye

Maayirka Degmada Burco Ayaa Waxyabaha U Ku Seegi Karo Ama U Ku Waayi Karo Xilka Maayirnimo Ayaa Ah In Aanu Beeshisa Gacanta Ku Hayn Iyo Dal Daloolo Siyaasaded Oo Ku Banaanaday

Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani Ayaa Guclo Orod Ugu Jira Sidii  ay u Soo Jiidan Lahaayeen  Beesha Reer Biniin Ee U Ka Soo Jeedo Maayirka Degmada Burco Maxamed C/raxmaan Yusuf Muraad Isla Markaana U Ugala Hoos Bixi Lahaa Xisbiga Kulmiye

Maayir Muraad Ayaan Iman Goobihi U Ku Cawayn Jiray Ee Bulshada Kula Sheekaysan Jiray maadaama oo xiisad siyaasadeed ku furan tay

Si Kastaba Ha Ahaate Beesha Reer Biniin U Ka Soo Jeedo Maayirka Degamada Ayaa Sababi Karta In Maayir Muraad Xilkiisa Ku Waayo Maadama Ay Beeshisiba Ay Ka Huleeshay Xisbiga Kulmiye Oo Ah Xisbiga U Haya Booska Maayirnimo Maadama U Xildhibanada Ugu Tirada Badan Ay Ka Soo Baxeen Xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here