Indhihii shacabkow Abaal aan dhamaan waanu ku haynaa

0
566

Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Waxaanu Hada ku aqoonsanahay Wasiir Cali Xasan (Cali Qaran)

Hogaaminta iyo dad jacelka labaduba waa dareen dadnimo Oo ilaahay ugu deeqo dadkiisa qaar una yeelo haybaday lahaayeen labadan  Masuuliyadood waana Mid ku yar Siyaasiyiinta dalkeenu inay kusoo abaal celiyaan shacabkii duhurada badan utaagna cadceeda siday codkooda ugu dooran lahaayeen

Doorashadii lagu soo kal dooranayey xildhibaanada Aqalka Baarlamaanka Ee dalka ka dhacday 29 – 9- 2005 Waxay kulmisay kala Muuqashada Masuuliyiin joogay muddo badan xilkana haya Se maalin aan ka ag wareegin shacabkii codkooda ugu hiiliyey iskada inay shilin ugu deeqaan mashaariicda ka socota deegaanadii laga soo doortay

Siyaasiga sumadahan leh waxay shacabku ka barteen  casharo aan dhamaad lahayn Oo ay galiyaan Taariikhda aan duugoobin  waxba yaan dareen abaarin kuwii shalay doonayey xilalka Ee maanta aan ka warqabin xaaladahay ku sugan yihiin deegaanadii laga soo doortay  Se waxaan uga jeedaa in aynu kala garano Siyaasiga Inoo Nasteexaa Ee Dareenka inala qaba Maalintay inoogu daran tahay

Cali xasan Maxamed (Cali Mareexaan) wuxuu kamid ahaa Tiradii Xildhibaanada Ee laga soo doortay gobolka Togdheer kamuu Mid noqon kumaan dhigiisa Oo dhagaha ka fureystay Shacabkii soo doortay Ee Marfashyada Caasimada Wada Raadka ka dhigay

Gobolada dalkani ka kooban yahay waxay ku kala horumareen siday masuuliyiinta ka tirsan Xukuumada Markaa Talada dalka haysaa Ay  dadaal U dul dhigaan deegaanadooda ugana qeyb qaatan kaabayaasha horumarineed  yadoo shacabkana la dareen siinayo in loo maqan yahay

gobolka Togdheer wuxuu ku faana laba geesi Oo udhigma kumanaanka  siyaasadu saboolka ka dhigtay Ee aan maalin ka qeyb qaadan dhisme iyo dhagax meel loo dhigo Deegaanada hoos yimaada gobolka  mawle haka abaal mariyo Labada Masuul Ee kala ah Xildhibaan hore hadana ah Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo guryeynta Mudane Cali xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo Mudane Xildhibaan Maxamed Yuusuf waabeeye Oo Hore uga Tirsanaa Xisbiga Muxaafidka Ee kulmiye Balse saluuga siyaasadu kala didisay Saaxiibadii waayaha  badan Soo wada joogay garoomada siyaasada Oo Isagu hada ka Tirsan xisbiga Mucaaridka Ee Waddani

Siyaasadu waa wareegto aan lahayn goob loogu hagaago lagana Wada hago duufaamaha siyaasadeed Ee ka jira dalka yadoo xaaladaha xisbiyada iyo hogaamada kala hagayaa ay door Muhiima ku leeyihiin Farshaxan la’aanta ka jirta Hab socodka ay ku Maamulayaan Siyaasadooda

Wasiir Cali Mareexaan iyo ganacsade INA DABLE Waxay Maalmihii lasoo dhaafay gobolka Togdheer soo gaadhsiiyeen Diyaarad Sida Daawooyina Oo Uu wasiirku Bixiyey Lacagtii lasoosiiyey Daawooyinka Halka ganacsaduhuna Uu Bixiyey Lacagtii Diyaaradu kusoo qaaday Daawooyinka Oo ay ugu deeqeen Wasaarada caafimaadka Ee gobolka Si Loogu Daweeyo dadka Uu Asiibay Xanuunka Shuban biyoodka Oo ka jira guddaha Magaalada burco

Masuuliyiin badan Oo xilalka qaranka haya qaarna ay ka tageen waxay caado ka dhigteen kala xigsashada shacabkooda yagoo reero iyo raasnimo U kala qeybiyey ugana Faa’ideysteen awoodihii qaranku siiyey inay ku hantaan Awoodaha Musdanbeedkooda

Wasiir Cali Mareexaan Maanta iyo Shalay Muu Noqon Intaan Aragti siyaasadeed ka Aqaano  siyaasi isbadal lasameeyey Xilka loo dhiibay kama Muuqato inuu ka daalay waxqabadyadii Uu hore uga geysan jiray Deegaanada kala duwan Ee dalkeena  iyo Doorkii Uu ku lahaa Dhiirigalinta Ururada dhallinyarada Iyo Shaqa abuur kaba

Weedhaha gabagabada Ee qoraalkani xanbaarsan yahay waxaan uga dan leeyahay inaynu ogaano Qof ama koox kasta Oo ka qeyb qaadata gurmadka Dadkeena loo sameynayo Waa waajib ina wada saaran in aynu ku xusno xarfo

‘’ Mudane :Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Qaran) waxaan ku haynaa Abaal aan dhamaad lahayn  Markasta way ku xasuusan doonaan Shacabka dalkani leeyahay Haka daalin horumarka dalkeena Cimriga iyo Caafimaadka ilaahay haku barakeeyo  ‘’

Alla Madleh

 

Sakariye Cabdikariim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here