Boqolaal Qof Oo Lagu Laayay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

0
468

Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dagaallo diimeedyo  ka dhacay magaalladda Bria oo ku taalla bariga dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Jamhuuriyada Afrikada Dhaxe maalin uun ka dib markii heshiis xabad joojin ah ay kala saxiixdeen dowladda iyo kooxaha mucaaradka.
Maalintii Talaadada ayay ahayd markii xabad joojin lagu saxiixay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga taasi oo u dhaxaysay xukuumada Bartamaha Jamhuuriyadda Afrika iyo kooxaha mucaaridka ah.
Xabad joojinta oo si dhaqso ah u dhaqan geleysay ayaa waxay dhabaha u xaadheysaa in mucaaradka laga qeybgeliyo geedi-socodka nabadda iyo siyaasadda, si ay iyaguna rabshadaha u soo afjaraan.
Heshiiskan waxa dabada ka riixaysa  kaniisada katooliga ah waxaana looga gol lahaa in lagu soo afjaro mudo dhowr sano ah oo ay dalkaasi ka socdeen rabshado ku salaysan Diimaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here