Dhaxal Sugaha Cusub Ee Dalka Sucuudiga Oo la Kulmay Ninkii Uu Ka Qaaday Jagadaasi

0
487

Dhaxal sugaha cusub ee la magacaabay ee dalka Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman ayaa la kulmay ninka uu sida lama filaanka ah u badalay ahna ina-adeerkii Mohammed bin Nayef.
Dhaxal sugaha iyo Mohammed bin Nayef ayaa laga baahiyay telefishenka dalkaasi iyada oo dhaxal-sugihii hore uu taagero cusub u muujiyay dhaxal sugaha cusub.
Ninkii dhaxalka boqortooyada lahaa Amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda uu ku magacaaban yahay ee Gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen.
Wakaaladda Wararka ee dawladda Sacuudiga waxay sheegtay in boqorka uu ku baaqay in shacabku ay daacadnimo u muujiyaan amiirka cusub.
Amiir Maxamed bin Salmaan oo ah nin da’ yar ayaa jiilka yar waxay dalacsiintiisa u arki doonaan inay tahay astaan muujineysa inuu soo socdo isbedel.
Ka hor dallacsiintiisa wuxuu hormuud ka ahaa dagaalka Sucuddigu uu ka wado Yemen. Wuxuu sidoo kale hormuud ka ahaa isbadellada dhinaca dhaqaalaha ee boqortooyada.
Aabihii, boqor Salmaan oo 81 sano jir ah ayaa la sheegayaa in xaaladiisa caafimaad aysan wanaagsanayn.
Boqor Salmaan ayaa xilka la wareegay sanaddii 2015 ka dib markii uu geeriyooday walaalkii Cabdullaahi bin Cabdul Cassiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here