Liis Ay Ku Taxanyihiiin 12 Qodob Ayay Xulafada Sucuudigu U Gudbiyeen Dalka Qadar+Shuruudo Adag Oo Ku Jira

0
467

Wadamada Khaliifka ee xidhiidhka u jaray dowladda Qatar ayaa soo saaray Liis ay ku qoran yihiin dalabyo laga doonayo in ay fuliso xukuumada Doha si xayiraada saaran looga qaado.
Dowladda Kuwait oo ku howlan siddii loo soo afjari lahaa xiisada siyaasadeed ayaa dalka Qatar u gudbisay Liiska dalabyada, waxaana ku jira in Qatar ay xidhiidhka u jarto dalka Iran,dhinaca kalana albaabada u laabto gebi ahaanba TV-g Aljazeera iyo dhammaan Taleefishinada kale ee hoos yimaada.
Dalabyada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah “In Qatar xidhiidhka u jarto dhammaan ururada argagixisada”, gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon.Xulufada Sacuudiga ayaa sidoo kale ka doonaya in Qatar “in ay si deg deg ah u soo afjarto joogitaanka milatariga Turkiga ee dalkaas, iyo xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya”.
Dalalkan kala ah Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa dhinaca kale dalbanaya in Qatar ay u soo gacan geliso “shaqsiyaadka argagixisada” iyo shaqsiyaadka kale ee dalalkooda laga doonayo.
Dalalka Carbeed ayaa Qatar siiyey in ay Toban maalmood ku ogolaato dalabyada, ayaga oo aan wax tusmo ah ka bixin waxa dhici doona, haddii aysan Qatar ogolaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here