Masuuliyiin Ka Tirsan KULMIYE Iyo Xukuumaddiisa Oo Kulan Dardargelin Ah la Qaatay Dhallinyarada Danwadaag

0
463

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, ayaa kulan afur iyo casho ah oo la xidhiidhay is-xogwaraysi iyo dardargelin la qaatay guddiga dhallinyarada beelaha Danwanaag ee xaafadda Daami ee degmada Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Wasiirka Caaddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Maxamed-deeq Muuse, masuuliyiin iyo hawl-wadeenno kale oo ka tirsan xisbiga iyo xukuumaddiisa, kuwaas oo ay kulankaasi kaga wadatashadeen dhallinyarada Danwadaag sii xoojinta hawlaha u dardargelinta xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin ka hor doorashada iyo u diyaargarowga qaadashada kaadhka codbixinta oo dhawaan laga bilaabi doono gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer.
Wasiirka Caaddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Maxamed-deeq Muuse, Garyaqaan Cumar iyo xubno kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa hadallo isugu jira mahadnaq, dhiirrigelin iyo xog-warranba u jeediyey dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here