56 sano waxa naloo maamulayay hadii aanu reer miyiga nahay oo uu noo maamulayay reer magaalku sida xoolaha oo kale” Faaladii Tareenka Iyo Qalinkii Qoraa Maxamed Cabdilahi Cumar.

0
728

Dawladau Waxay ka dhigan tahay Tareen, labada giftin  ee xadiidka ah uuna ku socdo tareenku waxa ay ka dhigan tahay xoriyad iyo nabad.  Dadweynuhu waa ay doorteen dareewalkii koowaad ee Tareenka iyo kaaliyihiisii 2010kii, waxa lagu doortay barnaamij cad iyo ballan qaad cad oo qoraal leh,

Waxay ku balanqaadeen umadda inay wax uqabanayaan, waxna uqaybinayaan si xaq ah oo xalaal ah, sida gobolada iyo degmooyinka oo kale, waxa ay iyagu direen Wasiiro umadda ushaqeeya iyo shaqaale hoosaad kale,  wixii ay keeneen dhib iyo dheef kala badh ayaa ay leeyihiin, waa shaqaale dadweyne oo sifo sharci ah lagu doortay kuwo kalena lagu diray,  shacabweynuhu waxa ay xaq uleeyihiin  xumaan la,aan iyo xisaab cad oo gasha taariikhda Somaliland boqolka  sano ee soo socda.

Waxa iska leh Tareenka shacabka  mana Oga,  Xisbiyadu waa marti shacabweyne oo xukun doon ah,  waxa  xaq loogu leeyahay xishood, xaqdhawr,  xumaan la,aan,  xiisad la,aan iyo xikmad wax lagu siiyo.

Cadowga Tareenku waa xukun xumo ka timaada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa mid jooga iyomid soo socdaba,  damac xumo ka timaada sadexda xisbi qaran,  dareen laawe shacab oo la adeegsado, sadexdaa ayaa dhibaatooyinkii hore ee shacabka Somaliland soo maray aabbo u ahaa.

Waxa uu shacabku doortay laba gole, gole guurti iyo gole wakiilo, waxa loo doortay xukun xumada madaxda dawlada iyo damac xumada xisbiyada  xeerkii iyo xikmadii xakamayn lahayd in laga helo,  hadii lala xisaabtamo shaqaalaha umaddu  waxa uu noqdaa rag dalaca oo lasiiyo shahaado sharaf qaran, xilkii gute xalaal ah, daayac qaran iyo danbiile qaran, xukuumadda Siilaanyo sayliciyada oo wax badan qabatay oo aan la dafiri Karin hadana xagee ayay jiraan dambiilihii iyo daayicii ? Ma malaaigbaa oo magafaan ?

Golaha guurtida maxaa loodoortay?  Yaa doortay?  Waxqabadkoodii labadana golena inay soo bandhigaan ayaa umaddu uga fadhidaa.

Shacabka dareen laawaha ah waxa looga fadhiyaa in loo maamulo sida dadka loo maamulo, xisaan la,aani waa xumaan oo dhan,  xisaabtu ninna waa uguul iyo gargaar ninna waa uguul darro ninna waa uguul darro gacmo madaw,  waana waxa lagaga baxo muranka iyo mugdiga,  waa inuu gartaa shacabweyne dad iyo dal ah oo isku dawlad ah oo isku diin ah  dan kali ahina midayso, oo ay ka dhaxayso dhib iyo dheef wixii yimaada,

Ragii ay doorteen waxa xumaan la,aan iyo xisaab cad, raga xukun doonka ah ee martida ah imtixaan culus si ayna ugu dhicin boholihii ay ku dhaceen shalay iyo doraad,  taariikh la,aani waa talo la,aan, aduunku waxa uu horumarka ku gaadhaa markii wixii hore taariikh cad laga sameeyo xumaan iyo wanaagba ee ragii lahaa lagu sunto, taariikhdaas midina waxay noqotaa dabar lagaga baydho dariiqii xumaa, midina waxa ay noqotaa mid lagu daydo.

56 sano waxa naloo maamulayay hadii aanu reer miyiga nahay oo uu noo maamulayay reer magaalku sida xoolaha oo kale,  xisbiyada iyo cid kasta waa ka xaaraan laga bilaabo iminka kala qaybqaybin, qoloqolayn,  qurjuuf iyo qori la qaato,  balse  Midnimo iyo mabd,a cad oo shacab oo waxa la hayo lagu ilaaliyo waxa maqana lagu doonto, waxa dhimana lagu dhamaystiro, reer miyigu waxa uu leeyahay Talo bayaan ah oo la balbalaasho oo la baahsho si uu ugarto Maangaabku.

Qoraa Maxamed Cabdilahi Cumar.

Kala  xidhiidh  qoraaga  Emailka  Xabiibcige@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here