Ka Ganacsiga Daroogada Oo Maraya In Loo Isticmaalo Drons

0
832

Shabakad daroogada ka ganacsata oo caalami ah ayaa adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu suuragasho in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa booliiska.
Waxay diyaaradahaas adeegsadeen mar ay ka dhicisawday isku day ay dooonayen in Australia ku galiyaan 78 xidhmo oo daroogada cocaine-ta ah, sida ay xukuumaddu sheegtay.
Daroogadan oo suuqyada madaw ka joogta 23 milyan oo doolarka Maraykan ah ayaa la qabtay iyada oo saaran markab ku xirtay magaalada Melbourne kaas oo ku yimid Panama, sida uu booliisku sheegay.
Afar qof oo Australian ah, labo Kanadiyaan ah iyo mid reer Britain ah ayaa loo xidhay.
Booliiska ayaa sidoo kale qabtay 580,000 oo doolarka Australi ah.
Taliyaha booliiska Faderaalka ah ee Australia John Beveridge ayaa sheegay in ay sii casriyoobayaan hawlgallada lagu eedeeyay tuugada.
“Diyaarado cirka heehaabaya ayay adeegsadeen si marka ay kulmayaan ay isaga ilaaliyaan booliiska,” ayuu yidhi
Wuxuu ammaanay dedaallada ay baadhayaashu kaga baaqsadeen in hawada lagala socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here