Waraaqo Lagu Daadiyey Deegaano Ay Maamuulaan Xarako Islaami Ah

0
662

Xafiiska Qaramada Midoobay ee guddiga xuquuqda aadanaha ayaa carabka ku dhuftay in waraaqo loo qaybiyey qoysaska ku dhaqan magaalada Mosul ee dalka Ciraaq ee loogu hanjabayo in ay si qasab ah uga baxaan magaalada, iyadoo lagu eedeynayo inay xidhiidh leeyihiin kooxda la baxday Dawlada Islaamiga ah.
Guddiga ayaa sheegaya inay kordhayso qaylo dhaanta la xidhiidha wax loogu yeedhay waraaqaha habeenkii kuwaasi oo lagu rido guryo gaar ah iyadoo sidoo kale laga qaybiyey deegaano gaar ah. Dadka ayaa loogu digayaa inay ka baxaan goobahaasi maalmo cayiman haddii kale xoog lagu muquunin doono.
Guddiga QM waxay ugu baaqeen dawladda Ciraaq inay qaado talaabooyin ay kaga hortagto sharci darada guryaha dadkaasi looga saarayo, ama nooc kasta oo ciqaab wadareed ah.
Tani waxay imaneysaa iyadoo sarkaal sare uu sheegay in dawladu ay ku dhawaaqayso guusha ugu dambeysa oo ay ka gaadheen xoogaga la baxday dawlada Islaamka ee ka dagaalamaya Mosul maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here