Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Iftiimiyey Khaladaad Badan Oo Ku Jirey Khudbadii Calaaliska U Badnayd Ee Madaxweyne Farmaajo 26juun Jeediyey

0
622

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud,Guryeyta Iyo Gaadiidka Somaliland Mudane Cal Xasan Maxamed (Cali Mareexaan ) Ayaa Bogaadiyey Jawaabtii Uu Ka Bixiyey Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale Khudbadii Uu Madaxweynaha Dalka Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Ka Jeediyey Munaasibadii Ay Ugu Dabaal Degayeen 26 juun Taasi Oo Uu Ku Khalday Madaxweyne Farmaajo Magacyada Abwaano Caan Ahaa Oo Halgankii Xornimo Doonkii Somaliland 1960kii Ka Maansooday Kuwaaso Ahaa Rag Aan la-ilaawikarin Wasiir Cali Mareexan Soo Dhigay Qoraal Uu Arintaasi Kaga Hadlaayo Bartu Uu Ku Leeyahay Barta Bar Kulanka Ee Facebook Ayaa Waxa Uu Udhignaa Sidatan

“Cabdi yusuf Ducale Boobe siyaasi, qoraa, halgamaa iyo taarikhyahan Ah afkaaga caano lagu qabay. Waxaan dhegaystay jawaabtii uu siiyey Farmaajo Oo runtii ahayd jawaab culus oo cilmi iyo waayo aragnimo ku dhisan,Farmaajo laftiisa khudbadiisa waan dhegaystay waxaana uu calaalinayey hadalka iyo magacyada waxaanay u muuqatay magacyadii uu akhriyayey in aanu hore maqal ee loo soo qoray, waayo Cali Sugule ugumuu yeedhaan Cali Sugul hadii uu hore u maqlay,Bakhad Casna waad maqlayseen sidii uu ugu dhawaqayey.

Hadaba taariikhda Wuu Saxay aqoonyahay Boobe waxaan ugu darayaa laba armood oo uu dhexfadhiistay Madaxweyne Farmaajo Ta koobaad wuxuu sheegay in dadkii reer Hargaysa ee fagaaraha isugu yimi 26 june 1960 ay dalbanayeen in laysu keeno walaalahooda koorfurta. Taasi sax may ahayn waayo umadaasi waxay dalbanaysay shantii soomaliyeed waxaana ay markaa iyo ka horba ku heesi jireen” shantoo isweheshataa wacnaydaa calan inay wadaagaan wacnaydaa. Hawdoow haybtaadiyo hayso calankaaga. Wajeereey calanka hoo iyo jabuutaay ka soo hoyo hororkiyo waraabaha. Waan hubaa in aanu farmaajo weligii heesahaa maqlin.”

Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ( Cali Mareexan )Waxaa Uu Soo Bandhigay Khaladaad Badan Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Jiray Khudbadiisi Isagoona Sigaara Usoo Qaatay Xisbiyadii Wakhigaasi Jiray Ee Ka Qayb Qaatay Dib Ula Soo Noqadii Xornimada Somaliland Oo Uu Madaxweyne Farmaajo Badankooda Isku Khalday Waxaanu Yidhi Markale.

“Khaladka labaad ee umada somaliland oo dhan ka yaabiyey wuxuu ahaa markii uu yidhi xisbiyadii dhaliyey 26 june ee la dagaalamay Igiriisa Ee uu ku sheegay SNL, SYL iyo USP. Hadaba goorma ayay SYL u dagaalantay xornimadadii Somalialnd ee 1960 miyaanuse weligii maqal SNL, USP iyo NUF ,Nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonaatay Ugu danbayn waxaa iiga soo baxay hadalkii Madaxwayne Farmaajo in uu ahaa nin taariikhda ku ciilqaba. Waxaan ku soo gebegaybaynayaa ” saw waxaan ilaawaba nin xumi ima ogaysiiyo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here