Xiisaha Kulamo Is Arag Siyaasadeed Ah Oo Burco Ka Dhacaya Iyo Olole Aan Muuqiisa Waxba Lays Kula Hadhin Oo Foorihiisu Ka Curtay BURCO

0
443

Xiisaha kulamaan xaraarada siyaasada dalka oo kor u kacdey iyo saddexda xisbi qaran oo ubaratamaya magaalada burco oo marti galin doonta  kulamo darbi siyaasadeed oo is arag ah waxaana warar wargeyska SAHAN ka helayo ila looga qaateena oo diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqa Murashaxiinta qasridoonka ahi tibaaxayaan in murashaxiitu baratan ugu jiraan sidii ay ugu kala dheerayn la haayeen inay hantaan quluubta codeeyayaasha gobolka togdheer gaar ahaana degmada burc. Olole aan sumadiisa la kala qarsan ayaa xisbiyada KULMIYE, UCID IYO WADDANI isku waajahayaan labada maal-mood ee fooda inagu soo haya. Xisbiga WADDANI ayaa masraxa ku soo galay wacdaro aan muuqiisa la qarin Karin oo ugu awood sheeganayo labada xisbi ee kale kaas oo uu ku doonayo inuu xawaare la nashqadeeyey kaga goosto labada xisbi ee kale  wuxuuna murashax Cabdiraxmaan cirro guri weyn oo ugu talo galay ololaha ay ka furteen agagaarka hotelka  weyn ee city plaza Hotel burco kaas si weyn wajahadiisa ay uga horbabanayaan calanka muuqa-dheer ee Astaanta u ah xisbiga WADDANI waxaana wararku intaa ku darayaan in la diyaariyey xaflado waaweyn oo xisbigu ku soo jilaabanayo taageerayaal badan oo qayb ka ah ololaha qasriga ay ku doonayaan.

Sidoo kale xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Ayaan wali isagu aan ka muuqan masraxa burco ee lagu kala jiidanayo codeeyayaasha gobolka togdheer iyo ardaayo xisbiyada kale bidayaan inay qasriga guushoodo saari karto balse aan laga arag barada KULMIYE ka ciyaarayo isagoo loo aaneynayo xisbi aan layli ku ahayn ololaha iyo doorashooyinka dalka waxaase laga dhursugayaa in uu toddobaadkan is muujiyo.Dhanka kale xisbiga qunyar socodka ah ee UCID aayaa wacdaro aan laga filayn la soo baxay ka dib markii Murashaxooda eng Faysal Cali waraabe isku kala bixiyey gobolada dalka gaar ahaana dhalin yarada waxaana soo ifbaxdey taageero cirbax ah oo bulshadu ugu mushxaradeyso inay sanadkan dheesha doorashadu dhankiisa tahay oo ay la hayaan taas oo u muuqata mid guusha saari doonta. Wararka burco ka soo gaadhaya xafiiska warqabadka ee wargeyska SAHAN ayaa iyagu sheegaya in Murashax Faysal Cali Waraabe si weyn iskugu diyaariyey in uu badi helo cidka gobolka togdheer isla markaana xamaamtiisa u uruursadey magaalada burco oo la wariyey in guri weyn uu ka dhistay kaas oo uu noqonaya barada uu ka soo dagaal galo.

Waxase diiradda lagu hayaa masuuliyiin tiro badan oo ukala cugan inay ku kala biiraan saddexda xisbi qaran maal-maha fooda inagu soo haya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here