Maayerka Hargeysa Oo U Miciyo Lisanaya Inuu Sadqeeyo Xilka Xoghayaha Dawlada Hoose Iyo Fiinta Oo Dhex Miranaysa

0
476

Ilo xogogaala oo wargeyska SAHAN helayo ayaa tibaaxaya in khilaaf xoogani ka dhex qarxay Maayerka caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid (SOLTELCO) iyo xoghayaha Dawlada hoose Ee Hargeysa. Khilaafkan ayaa salka ku haya ka dib markii xoghayaha dawlada hoose ka biyo diiday saxeexyo maaliyadeed oo aan sharciga waafaqsanayn wuxuuna xoghayuhu sheegay inanay suurto gal ahayn in wax sharciga ka baxsan uu tagri fal awoodeed ku sameeyo, go,aanka xoghayaha ayaa dhaliyey in maayer soltelco ka cadhoodo in awaamiirtiisa la fulin waayo wuxuuna maayerku kaga jawaabay fal curdan-dhadhiyey wadashaqayntii labada awoodood ee dawlada hoose isagoona maayerku ugu hanjabay inuu booska ka caydhin doono.

Khilaafkan ka dhex curtay Maayerka iyo xoghayaha dawlada hoose ayaa meel halisa maraya waxaana wararku sheegayaan in maayer Cabdiraxmaan Soltelco Diyaarsadey 15 xildhibaan oo saxeexay mooshin xilka lagaga qaadayo xoghayihii mudada yar joogay xayndaabka dawlada hoose ee hargeysa kuwaas oo ku sanduliiyey inay ku taageeraan sidii uu birta udhaafin lahaa masuulkan uu qoonsadey inuu sharciga ka doorbidayo is garabsiga aan cadaalada ku dhisnayn. Sidoo kale waxaa jira xildhibaano aan farahooda dufanka saxeexa mooshinku duugin oo ka biyo diiday in dan shaqsi loo badelo xoghayaha cusub isla markaana ku wacad maray in ay mooshin ka keeni doonan maayerka haddii sharciga loo hogaan sami waayo.

Fiintan dhex miranaysa labadan masuul ayaa xawaare xawliya ku socota mana jirto cid ka gashay dab-damis oo soo kala dhex gala muranka maarada waayey ee ka dhex curtay baro xoghayayaasha yimaadaa aaney saldhigan.

Maaha markii ugu horeysay ee maayerku barada dawlada hoose ka caydhiyo xerada dawlada hoose ee hargeysa waxaana caado ka noqotay in xoghayihii uu dantiisa ka dhex arkiwaayo uu xilkiisa sadqeeyo waxaaney dawlada hoose maraysaa xoghayihii afraad ee la badelo moddo ku siman 7 bilood gudahood badelada isbiirsadey ee xoghayayaasha dawlada hoose ee hargeysa ayaa lagu fasiray inay sabab u tahay dano shaqsiyadeed oo isdiidan.

Xaafada axmed dhagax oo ah mudanta leh mansabkan ayaa noqotay halaq mareen uu bartilmaameed ka dhigtay maayerka hargeysu isagoo xurmo daro joogta ah ugu abaal guday waxase diiradda lagu hayaa halka uu isugu biyo shubto khilaafkani iyo in maayer soltelco ay usuurto gasho in uu gawraco xogahaya dawlada hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here