“Xukuumadda Waxaanu Leenahay Afartaa Bilood Ee Idiin Hadhay Dadka Oo Mideysan Gaadhsiiya (Doorashada)…” Sheekh Aadan-Siiro

0
639

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay in Dalku u baahan yahay in iska kaashado sidii loo bedbaadin lahaa Somaliland, inta lagu jiro Xilligan kala guurka ah ee loo diyaar-garoobayo Doorashada Madaxtooyada, maaddaama buu yidhi uu dabbac dhinaca Xukuumadda ahi jiro.

Sheekh Aadan-siiro waxa uu khudbaddiisa si faahfaahsan ugaga hadlay baahida loo qabo in Dadka Cilmiga iyo Caqliga lihi ay ka tashadaan sidii ay Dalkooda Somaliland u bedbaadin lahaayeen, gaar ahaan Dadka aan Danaha Siyaasadeed iyo Dhaqaale ka lahayn Dalka.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxay u baahanahay Dad Kursiga (Xilka) ka Madax-bannaan, Dad ka Madax-bannaan Danaysiga Adduunyada, Guryo dhaadheer oo la siiyo iyo Qandaraasyo, oo Aragtidoodu tahay mid ballaadhan oo ta koowaad tahay inay Diintooda ilaashadaan, ta labaadna ay tahay inay Ummadda bedbaadiyaan. Waxaynu u baahanahay Dad Caqli leh oo Xal keena, oo ka Madax-bannaan Xisbi, Kursi, ka Madax-bannaan Lacag iyo Dollar mar kaliya la helo, Ka Madax-bannaan Dhul lagu laaluusho, ka Madax-bannaan Cibaasaadka Dalka jira, ee iyaga oo Si Dadban u duminaya moodaya inay wax u kordhinayaan.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Talada wanaagsan Adigaa ku bedbaadaya, Gurigaaga ayaa ku bedbaadaya. Saxaabadu waxay waydiiyeen Rasuulka (CSW) Diintu waa Talo ayaad tidhi ee ayay u tahay Talo wanaagsan.? Rasuulku wuxuu yidhi ILAAHAY in Xaqiisa la qiro, oo wuxuu soo dejiyey la raaco, oo wuxuu Dadka ka reebay laga reebtoonaado, ILAAHAY bay Nasteexo u tahay, haddii wanaag jiri waayo, ILAAHAY toos loo caabudi maayo, haddii meeshan imika lagu kala tago (waxba ma jirayaan), waxa ugu horreeya ee la boobayaa waa waxa innaga dhexeeya, marka intaa lagu kala tago ayaa sida Xayawaanka Nin ba Ninka uu ka awood badan yahay Cuni doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Rasuulku wuxuu yidhi, Diintu waxay Nasteex u tahay Hoggaanka Muslimiinta ee Toosan ee Talada qaadanaya.

Marka Arrin timaaddo, Diintu waxay Talo u tahay Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta, Maanta maxaa Muslimiinta haysta, intaanu meeshaba ka soo bixin ayuu Warkii Suuqa keenayaa, Rasuulkuna wuxuu yidhi Arrimihiina Sir la kaashada, Waayo? Cid kasta oo ILAAHAY Nimco siiyey Xaasid baa ku xeeran oo Arrinkiisa furfuraya, markaa Talo ayaynu u baahanahay, Waayo? Xilli doorasho ayaynu ku jirnaa, Arrinku wuu innagu adag yahay, hadhow intaad is cannaan lahayd waxa loo baahan yahay Dadka Caqliga iyo Cilmiga lihi (inay Arrimaha ka taliyaan), Waayo? Masiibadu markay dhacdo kuma dhacayso Mujrimiinta oo keliya ee Cid walba way saamaynaysaa.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu Xukuumadda ugu baaqay inay Muddada Xilka uga hadhay ay Dalka Midnimo ku gaadhsiiyaan Doorashada, “Xukuumadda waxaanu leenahay Afar bilood baa idiin hadhay ee Dalka hala ilaaliyo, Afartaa bilood Dadka oo mideysan gaadhsiiya (doorashada), ka daaya Heshiisyada hoose ee aad galaysaan ee keenaya inay Dadku is khilaafaan, labadii bilood ee u dambeeyay intaas oo heshiis oo Caalamiya iyo kuwo Maxaliya ayay gaadheen Koox jirta oo illaa hadda aynaan fahmin nidaamka ay u shaqeynayso, laakiin Xukuumadda maaha, kuwaasi oo aan is leeyahay qaarkood Shaydaan baa isticmaalaya iyaga oo aan dareensanayn, sida kuwii ka awoodda badnaa ee ka lacagta badnaaba loo isticmaalayo. Waar Afartaa Bilood Dalka u tudha, oo waxaa yar ee aad haysaan uun ilaaliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka digay Boob uu sheegay in lagu hayo Dhulka Danta Guud ee Dekedda Berbera “Dekedda Berbera gudaheeda ayaan istaagay, Labadan boqol ee Mitir hebel baa leh, labadaa boqol ee kalena hebel baa leh, Xitaa Rukunnadii baa taagan, Waar Dekeddii aad lahaydeen waalla kordhinayaa meeday? Labadii boqol ee Mitirba Qof baa la siiyey.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Imika waxa Miiska saaran intii yarayd ee la odhan jiray Nag-fish ee Kalluunka lagu kaydin jiray, wixii kale oo dhan waa lagu kala tagay, waxaanu leenahay Waar hala idinku soo gaadho.”ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey oo Xukuumadda ku canaantay in Masuuliyaddii ka saarnayd ammaanka ay ka gaabisay, taasina keentay in Magaalooyinka Dalka qaarkood uu amaankooda wax iska beddelaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here