Arday Ka Badan 26 Kun Oo U Fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga Ah Iyo La Dagaalanka QISHKA Oo Kor Loo Qaaday

0
692

Imtixaanka Shahadiga ah ee Fasalka sideedaad ee Dugsiga dhexe iyo Fasalka Afraad ee Dugsiga Sare ayaa Shalay guud ahaan dalka Somaliland si rasmi ah uga bilaabmay.Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa ku dhawaaqay in imtixaanka shahadiga ah uu si rasmi ah dalka oo dhan uga bilaabmay waxaanu yidhi  “Maanta (Shalay) oo ay taariikhdu aheyd 01.07.2017, guud ahaan dalka oo dhan, si nabadgelyo ah ayaa loogu fadhiistay imtixaankii shahadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2016/2017 ee fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka afraad ee dugsiga sare”.Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee JSL MD Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa isna ka waramay tirada guud ee ardayda imtixaanka shahadiga ah ee sanadkan u fadhiisatay “Imtixaankii Shahadiga ahaa ayaa si rasmi ah u dalka uga bilaabmay, waxaana guud ahaan u fadhiistay 26,558 arday oo kala ah 16,500Arday oo fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ah iyo 10,058Arday oo fasalka 4aad ee dugsiyada sare ah, waxaanay ardayda dugsiyada dhexe imtixaankan ugu fadhiisan doonaan 403 goobood oo dalka oo dhan ah, halka ardayday dugsiyada sare na ay ku gali doonaan 121 goobood, waxaana fasal kasta ilaalinaya laba macalin”.Wasiirku waxa kale oo uu digniin iyo dardaaran u diray ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa “Hal ku dhiga sanadkan ee Imtixaanku waa Ardayow kala dooro Imtixaanka ama Mobilka, waalidkana waxaan la socodsiinayaa imtixaanku ma adkee carruurtu yaanay la iman wixii layska reebay, lacagtana kaash ugu soo dhiiba, taleefanka gacantuna waa mamnuuc, ardaygii lagu arkana imtixaanka ma galayo”.

Dhinaca kalena, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska JSL Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Hoggaanka Hawlgalinta Ciidanka Booliska JSL Gaashaanle Sare Cabdiqani Ciise Maygaag ayaa sheegay in ciidanka booliska oo la shaqaynaya Wasaaradda Waxbarashada uu ka hawlgalayo sugida amniga imtixaanka shahadiga ah ee dalka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here