Madaxweyne Farmaajo Oo ku taagan Jidkii Madaxweyneyaashii ka horeeyay ku daaleen

0
554

Waxa Shalay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay 57 Guurada ka soo wareegtay Wakhtigii Talyaanigu Xorriyadda siiyey Soomaaliya isla-markaana ay midoobeen Somaliland oo Xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska, kowda Julay, Sannadkii 1960-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad dheer ka jeediyey Xafladdaasi, ayaa sheegay inay rejaynayaan in Somaliland mar kale dib ula midowdo Soomaaliya, isagoo xusay in Madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu hore u sheegay in aanay Soomaali kala maarmayn oo ay mar uun dib u midoobo doonto.

Farmaajo oo khudbaddan jeediyey Saqdii dhexe ee Habeen hore, ayaa hadalladiisa oo beer-laxawsi u badnaa ku sheegay inuu ballan-qaadayo inay Wada-hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya dib u bilaabmaan, waxaanu yidhi “Walaalaha Somaliland waxaan u sheegayaa, ma kala maaranno, waynu iksu baahanahay, waxa ballan naga ah inaanu soo celino Wada-hadalladii, si Ummadda Soomaaliyeed mar kale u midowdo.”

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata, ayaa hadalladiisa siyaasadeed ee uu Shacabka Somaliland Warbaahinta u soo mariyey wuxuu ku sheegay in Madaxweynihii labaad ee Somaliland, ahaana Raysal-wasaarihii ugu dambeeyay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu hore u sheegay in Soomaaliya aanay kala maarmin, “Waxaan doonaynaa inaynu xusno Raysal-wasaarihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ee xilligii la is dooranayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kaasi oo hadalladii u dambeeyay ee uu yidhi ay ka mid ahayd Soomaaliya ma kala maaranto, mar ay tahayna way isku iman, rejadaas iyo Hankaasi waa inaynu ka dhabayno.”

Hadalka uu Farmaajo sheegay inuu hore u sheegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaan la hubin in Marxuumku yidhi intii uu noolaa ama sida uu u yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here