Komishanka Doorashooyinka Oo Burco Tababbar Uga Furay Hawl-wadanneeda Kaadh-qaybinta

0
473

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Shalay Magaalada Burco Tababbar uga furay Hawl-wadeennada qaybinaya Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada.

Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha Doorashada ayaa haddii Alle yidhaahdo 8-da bishan Juulaay si wada jir ah uga bilaabmaya Gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex, kuwaasi oo noqonaya labadii Gobol ee ku xiga Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag oo hore Kaadh-qaybinta looga sameeyay.

Shaqaalaha Tababbarka loo furay oo ah kuwa Kaadh-qaybinta ka samaynaya Gobolka Togdheer, ayaa waxa Tababbarkan u furay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, waxaanu u soo jeediyey Shaqaalaha la tababbarayo inay ka faa’ideystaan Tababbarkan oo soconaya muddo Laba Maalmood ah.

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ka faa’ideysataan Tababbarkan oo nacfi idiin leh, ahna Aqoonta aad ku shaqo gelaysaan. Ka faa’iideystaan Tababbarkan, Waayo? markaad Shaqada gashaan heli maysaan Fursaddan.”

Eng. Warsame waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu idinku aaminaynaa inaad qaybisaan intaas oo boqol oo Kaadhadhkii Cod-bixiyeyaasha ah, Kaadhadhka aynu bixinaynaa waa Cad bisil, waa Hal Qof iyo Hal kaadh, Qofka qaadanayaana waa inuu yimaaddaa Goobta, Islaanta umushay waa inaad tidhaahdaa soo qaada, waa inuu Gaadhiga ku soo qaadaa, ka dibna Suulka ay saartaa oo ay kaadhka qaadataa.” Ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here