Sicir-bararka Dollarka Oo Naafeeyay Nolosha Shacabka Iyo Ganacsatada Yaryar Oo Ka Quustay In Xukuumaddu Wax Ka Qabato

0
583

Qiimaha Sarrifka Dollarka, ayaa halkii ugu sareysay ka maraya Suuqyada Somaliland.Sicir-bararka Lacagta Dollarka oo Shantii Bilood ee u dambeeyay Maalinba Maalinta ka dambaysa kor u sii kacayey, ayaa Toddobaadkan gaadhay in Qofku marka uu Dollarka sito Boqolka Dollar loogu sarrifo 920,000 kun oo Shilinka Somaliland, halka marka Qofku Shilinka sito Boqolka Dollar lagaga iibinayey Lacag gaadhaysa 9,45000 oo Shilin, laakiin Qiimaha Sarrifka Boqolka Dollarka ayaa Sabtidii Shalay hoos ugu soo dhacay 900,000 kun, ka dib markii sida la sheegay uu Baanka dhexe uu suuqa ku siidaayey Lacag Dollar ah oo aan Qaddarkeeda la ogeyn.

Qiimaha sarreeya ee Dollarka, ayaa si toos ah saamayn ugu leh Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, sababta oo ah Ganacsatada Raashinka keena Somaliland iyo kuwa sii tafaariiqeeya ayaa Raashinka ku iibiya Lacag Dollar ah, haddii Qofku sito Lacag Shilinka Somaliland ahna ugu qiimeeya heerka uu Dollarku ka marayo Suuqa, taasina waxay si toos ah taabataa Shaqaalaha Dawladda, Ciidamada Qalabka sida iyo Ganacsatada yaryar ee khudaarta iyo waxyaabaha la midka ah nolosha ka Raadsada.

“Kaash baanu wax ku iibinaa, Kaashkiina Dollarkii wuu gaadhi waayay, wixii Kaash ah meel baanu ku ururinaa oo Dollar jaban baanu la sugnaa, ILAAHAY waxaanu ka rajeynaynaa inuu Dollarkaa hoos nooga rido.”ayay tidhi Hooyooyinka wax ku iibiya Suuqa Waaheen ee Hargeysa

Sidaasi oo kale, Hooyo ka mid ah kuwa Khudradda iibiya oo la hadashay Warbaahinta ayaa iyaduna sheegtay “Khudradda aanu iibinaa waxay nooga timaaddaa Itoobiya iyo Masar, midna waxay noogu timaaddaa Lacag Bir ah, Lacagna Dollar, annaguna Dollar waxba kuma iibino oo Somaliland-baanu wax ku iibinaa, markaanu is nidhaahno Dollar ku beddela kor buu noogu kacaa, mar walbana Khasaare ayaanu ku suganahay, markaa Dawladdayada waxaanu ka codsanaynaa inay ka qabato wixii ay ka qaban kareyso.”

Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa Dhowr jeer Go’aamo ka soo saartay Qiimaha Sarrifka Dollarka, iyadoo soo jeedisay inaan Boqolka Dollar la dhaafin karin inta u dhaxaysa Toddoba boqol oo kun oo Shilin iyo 750,000 kun oo Shilin, laakiin waxba kama hirgelin.

Shacabka Somaliland, gaar ahaan Ganacsatada yaryar ee Dalka oo dhowr jeer sameeyay Shaqo-joojin ay kaga cabanayaan Sicir-bararka Dollarka oo saameeyay Noloshooda, ayaa hadda u muuqda inay ka quusteen inay Xukuumadda Somaliland wax ka qabato dhibaatada uu Dollarku ku hayo Dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here