Ruug-caddaa Suxufinimo Ku Soo Shaqeeyay Nus-Qarni Oo Geeriyooday

0
537

Alle ha u Naxariistee waxa Shalay Magaalada Burco ku Geeriyooday Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaaddi) oo ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland isla-markaana muddo Nus-qarni ah ku soo shaqeeyay Mihnadda Saxaafadda.

Marxuumka oo ka mid ahaa Suxufiyiinta caanka ahaa ee ka soo shaqeeyay Idaacadaha Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho wakhtiyadii la aasaasay, ayaa waxa Geeridiisa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaal Tacsi ah oo Uu Guddoomiyuhu Xalay soo gaadhsiiyey Warbaahinta ayuu ku yidhi sidan, “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi) oo ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta oo taariikhdu tahay 01/07/2017 (Shalay)

Marxuum Mijir Qaadi waxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii saxaafadda Soomaalida ee muddo ka badan Nus-qarni ka soo bilaabmay Idaacaddii Radio Hargeysa oo uu ka mid ahaa weriyayaashii ka hawlgalay waqtiyadii u horreysay iyo Idaacaddii Radio Muqdisho oo uu labada ka mid noqday suxufiyiintii ugu caansaday, isagoo markii dambeyna ka tirsanaa aasaasayaashii idaacaddii dib-u-xoraynta ee Radio Halgan, waxaannu door wayn oo shariif ah ku lahaa halgankii lagu xorreeyey dalka Somaliland bilow iyo ilaa dhammaadkiisii. Waxa kaloo Marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay mihnadda warbaahinta sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu mar ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Mijir Qaadi inuu ahaa nin wanaagsan oo dhawrsan, degdan oo oday u ahaa bulshada, taariikhyahan ahaa oo ka baxay Qaranka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here