Guddoomiye Muuse Biixi Oo Soo Kormeeray Goobaha Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixiyayaashu Ka Socoto ee Magaalada Burco

0
491

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray goobaha qaadashada kaadhka codbixiyayaashu ka socdaan ee gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxana uu u guur galay xaaladda goobahaas iyo habsami-u-socodka hawsha kaadh qaadashadu.
Guddoomiyaha oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo KULMIYE ka tirsan, xubno wasiirro ah iyo hawl-wadeennada xisbiga ee gobolka Togdheer ayaa saaka soo maray goobaha kala ah Sheekh Yuusuf Al-kawnayn, Candle light, Dawladda Hoose, Sooyaal, Qulumbe Dugsiga Qaaddi Maxamuud, waxana uu halkaas kula kulmay dadweyne tiro badan oo safaf dhaadheer ugu jira qaadashada kaadhadhka codbixinta oo maanta ka bilaabmay guud ahaanba gobolka Togdheer.
Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka warbixiyey hannaanka ay u socoto kaadh-qaadashadu, waxana ay sheegeen inay si habsami leh u socoto hawshaasi, isla markaana shacabka Togdheer u hagar baxeen qaadashada kaadhadhkooda.
Goobaha ay ka socotay kaadh-qaadashadu ee uu guddoomiyuhu soo maray waxa hadallo kooban ka jeediyey xubno kooban oo waftiga kamid ah oo isugu jira hoggaanka xisbiga iyo wasiirro, waxana ay muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin hannaanka ay shacabku u qaadanayaan kaadhadhka, iyaga oo ugu baaqay inay dardar geliyaan qaadashada kaadhadhka.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa, shacabka reer Togdheer ugu baaqay inay si hufan u qaataan kaadhadhkooda, si ay awood ugu yeeshaan inay soo doortaan cidda mustaqbalka dhaw dalka hoggaamin doonta.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ugu baaqay inay ixtiraamaan awaamiirta komishanka doorashooyinka qaranka, isaga oo sharraxay ujeedada laga leeyahay qaadashada kaadhadhka codbixinta, waxana uu yidhi,“Dhammaanba dadweynaha waxan ka codsanayaa inay u hoggansamaan awaamiirta iyo shuruucda komishanka doorashooyinka, hawshanna waxa aynu u gelaynaa inaynu qarankeena dhisno, taladeena ku wanaajino oo aynu dalkeena horumar ku gaadhsiino oo sida xeerkeenu dhigayo shanti shantii sanoba mar hoggaanka dalka oo ka kooban goleyaasha, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo goleyaasha sharcidejinta iyo kuwa deegaankaba dhiig cusub lagu shubo.”
Guddoomiyuhu waxa uu xusay inay muhiimad weyn leedahay inay axsaabtu ka shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha dalka, isaga oo dadkana u sheegay inaanay u qaadanin xisbiyada madal aan la isku xajiimaynin, “Xisbiyada iyo ololahoodu iyo sawaxankoodu waa inuu u socdaa nabadgelyada, horumarka iyo dawlad-dhiska, dadka qaarkiina waa inaanay u qaadanin meel la iskaga jimicsanayo, lagu ciyaarayo oo la isku af-legaadaynayo, dadka xisbiyada ka shaqeeyaana waa inay ogaadaan loollanka, laacdanka iyo laf-jabintu inay kala duwan yihiin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here