Itoobiya Oo ka Digtay khilaafka Wadamada Khaliijka

0
456

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijka uu degenaansho la’aan u keenayo Geeska Africa.

Isaga oo baarlamaanka u jeedinaya khudbad laga baahiyay Telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Hailemariam sheegay in Itoobiya ay rajaynayso in muranka lagu dhameeyo wada xaajood, isaga oo sheegay “in aysan su’aal ka taagnayn” in ay Itoobiya saamayn wayn ku yeelan doonto haddii uu gobolka qasmo.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay taageersan tahay dadaalada ay Kuwait ku doonayso in ay ku xaliso khilaafka.

Dalalka Geeska Africa ayaa taariikh ahaan calaaqaad dhaqaale, mid milatari iyo mid siyaasadeedba la leh dalalka Khaliijka.

Waxaa sidoo kale gobolka mara Badda Cas, oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, iyadoo ay sii maraan maraakiibka shidaalka ka qaada Khaliijka ee u socda Yurub.

Bishii hore ayay ahayd markii ay Qadar ciidammadeeda kala baxday xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Eritrea iyo Jibuuti, arrintaas oo ay u badan tahay in ay sababtay ka dib markii ay dalalkani la safteen Sacuudiga markii uu soo if baxay khilaafka Qadar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here