“Buuhoodle Dawladda Somaliland Ayaa Dayacday” Xildhibaan Dheeg

0
418

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay sugto Xuduudka Somaliland la leedahay Dalka Soomaaliya, maaddaama oo ay leedahay Awooddeeda oo ay haysato Ciidammo.

Xildhibaanka oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay khilaafaadka soo kala dhex galay Siyaasiyiinta Beelaha Dhulbahante ee badhkoodna taageersan yihiin Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh iyo kuwa ka soo horjeeda oo Toddobaadkan Muqdisho u tagay Abaabulka Shir la sheegay in lagu Mijo-xaabinayo Kooxda Khaatumo, iyagoo ka soo horjeeda Wada-hadallada Khaatumo kula jirto Somaliland.

Xildhibaan Dheeg wuxuu Xukuumadda Somaliland ku dhaliilay inay dayacday Magaalada Buuhoodle, dayacaddaasna ay ka faa’ideysteen Cadowga Somaliland, waxaanu yidhi “Horta meel haddii la dayaco, oo umadda lihi ay dayacdo iskagana tagto cid sheegata la waayi maayo, Buuhoodle Somaliland ayaa dayacday, ama Xukuumadda joogta ha noqoto ama tii ka horeysay ha noqotee, xadka Somaliland oo la sugi karo, lana gaadhi karo, Somaliland-baa dayacday.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Somaliland-baa dayacday Buuhoodle, iyadoo Ciidammadii haysata, ayaa kii Shariif soo diray iyo kii Farmaajo soo dirayba meesha way ka botoriyeen oo la daawanayey intaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan leeyahay Xuduudka Somaliland hala sugo.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here