Puntland Oo Qabatay Dhallinyaro Rag Iyo Dumar Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Ku Biirayeen Al-shabaabta Buuraha Galgala

0
412

Ciidamada amniga Maamul-gobolleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay 14 dhanlinyaro ah oo sida ay sheegeen damacsanaa in ay ku biiraan xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gobolka Bari ee Puntland.

Dhalinyaradan ayaa sida ay saraakiishu sheegeen watay hal gaadhi, waxaana ay isugu jireen 10 dagaalamayaal ah, darawalka gaadhiga ku waday iyo labo haween ah, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhalinyarada la soo bandhigay nin ajnabi ah.

Wallow, Warar kale oo Madax-bannaan oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhalinyarada la qabtay ahaayeen kuwo ku sii jeeday Tahriib laguna qabtay meel dulleedka ka ah magaalada Garoowe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here