Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO oo Dhalinyarada Iyo Shacabka Somaliland Usoo Jeediyay Fariimo Muhiim Ah Oo Salka Ku Haya Doorashooyinka

0
431

Gudoomiyaha Hayada Dhalinyarada ee Heer Qaran ee Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo manta Shir jaraaid ku qabtay xafiiska ay daladaasi ku leedahay Magaalada hargaysa ayaa wuxuu kaga hadlay Qaabka ay shacabka Gobolada Maroodijeex iyo togdheer u qaadanayaan Kaadhka Codeynta ee doorashooyinka Somaliland ee fooda inagu soo haya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu fursadan uga Faaiidaysanayo dhalinyarada Somaliland oo uu ka codsaday inay Kaadhka qaataan si ay uga Qayb galaan Doorashooyinka FOoda inagu Soo Haya waxaana uu yidhi Gudoomiyaha Dalada Sonyo oo Arintaasi ka Hadlaya”

Dalada Dhalinyarada ee SONYO waxay ku boorinaysaa Dhalinyarada Somaliland iyo Shacabkaba Inay Qaataan Kaadhka Codeynta ee doorashooyinka Soo Socda oo ay ugu horeyso Doorashada Madaxtooyada oo dhici doonta 23 November 2017

Dalada Dhalinyarada ee Sonyo waxay Aaminsan tahay inay manta tahay Midho Dhalin taariikheed oo qayb ka ah Fursadaha Siyaasadeed ee aanu Doonayno inay dhalinyarada iyo Dayarta Somaliland ku goaamin karaan Mustaqbalkooda,waayo waxaa inaga Goan inaynu Codka ku Goaamino mustaqbalka Qofka in Hagaaya doonaynona inaynu Masiirkeena ku Aamino,hadii markaas dhalinyaradu ay Fadhiisato Isla Markaana ay ka qaybgeli waydo Hanaanka Doorashada ama ay wax dooran waydo waxaa meesha ka baxaaya,in mustaqbalkaagii Aad la Fadhiisatay Xaglo Laabana Xoolo kuma Yimaadaan waxaana aanu ugu danbayn Dhalinyarada Somaliland usoo jeedinaynaa inay Muujiyaan Hanaanka Qaangaadhnimo ee Doorashooyinka Somaliland

Sidoo Kale Gudoomiyaha Dalada Sonyo Waxaa uu Dhalinyarada Somaliland usoo jeediyay inaanay Kala Fogayn Shacabka kuna Dhex milmin Siyaasiyiinta Xisbiyada kuwaasi oo uu sidoo kale uga digay Inay Bulshada Cunfi Kala Dhex Dhigaan waxaana uu yidhi

Waxaan usoo jeedinayaa Dhalinyarada inaanay Cunfi iyo Isnac ku Abuurin Xisbiyada Dalka waayo waxaa inaga dhaxeeya ayaa ka badan in qof waliba qofkuu doonayo uu doorto waxaana inaga dhexeeya Arimo badan Sida in ay Shacabka wada leeyihiin Iskuulada,Caafimaadka,Jaamacadaha,Biyaha,isku socodka  iyo Wada Noolaanshaha markaa hadii laba murashax lagu Kala Rayi Duwanaado Dalada SONYO masoo jeedinayso in la isku naco iyo In Lagu Kala Fogaado Midna dhalinyarada Dalkana waxaan usoo Jeedinayaa inay Gacmaha Is Qabsadaan iyagoo isku Ixtiraamaya Kala Duwanaanshahooda Siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here