Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Albaabada U Laabtay Qufulna ku Dhejisay Dhismayaal Wasaaradu Lahayd Oo Bakhaaro U Noqday Shirkado Ganacsi Oo Gaar loo Leeyahay

0
459

Iyada oo maalmihii udanbeeyay ay Magaalada Berbera Kusugnaayeen Wafti uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Dardar Galinta Dakhliga Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye islamarkaana ujeedada socdaalkoodu ahaa Dardargalinta Dakhliga Dawlada iyo soo xereynta Lacagaha ka Maqan Khasnada dawlada ayaa waxa maanta albaabada loo Xidhay Bakhaaradii Inji ee Berbera kuwaas oo kuyaala agagaarka Cisbataalka weyn ee Berbera kadib markii ay shirkado Ganacsi oo ay ukireysnaayeen iska bixin waayeen Lacagihii kirada ahaa oo mudooyin Sanado badan ah ku baaqday sida uu shabakada wararka Berberatoday.com usheegay Gudoomiyaha Dardar Galinta Dakhliga Wasaarada Maaliyada Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye.

Bakharada la Alabaabada ay Masuuliyiintani xidheen ayaa ah Lix Bakhaar oo ukireysan Sadex shirkadooda oo Ganacsi islamarkaana ay uyaalaan badecado kala duwan oo isugu jira Meceeshada la quuto iyo qalabyada Guryaha ee faanayjarka.

Shirkadaha ay bakhaaradani ukireynaayeen ayaa kala ah Shirkada Indhadeero Group oo laba bakhaar ukiraysan yihiin, shirkada Alnuur ee Qalabka xafiisyada iyo guryaha iibsa oo iyana ay Laba Bakhaar Ukireysaanyeen Qalab badanina uyaalo Iyo Shirkad Qaabilsan rarka iyo roguda badeecadaha haayada WFP keento oo lagu magacaabo Mulkiilaheeda Keyda cabdillahi Xandule oo ah Maareeyihii hore ee Wakaalada Biyaha Berbera oo isagana ay laba Bakhaar ukiraysaanyeen.

Sida uu shabakada Wararka Berberatoday.com uxajiiyay Gudoomiyaha dardar galinta Dakhliga Wasaarada Maaliyada Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye waxa albaabada loo Xidhay oo qufulo Waaweyn la saaray lixdaas bakhaar iyada oo ciidan boolis ahna la duldhigay maanta galinkii danbe.
Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye ayaa waxa uu ku sababeeyay bakharaadan shirkadaha Ganacsi ukireysnaa ee La xidhay inay iska bixin waayeen lacagtii kirada bakhaarada dawlada oo uu qaado Xafiiska cashuraha Beriga Berbera taas oo sadexdan shirkadooda lagu leeyahay celcelis ahaa 7 sanadood ilaa 2 Sanadood Lacagtii kirada Aheyd taasina ay keentay in maanta laga qufilo bakhaaradooda kadib markii mudooyinkii udanbeeyay baaqyo loogu diraayay inay Lacagtaas dawlada soo xereeyaan loogu taag waayay.

Lacagta dawlada ee kirada bakhaaradan lagaga leeyahay sadexdan shirakdood ayaa Gudoomiyaha dardar Galinta Dakhliga Wasaarada maaliyadu ku sheegay(183.400)$Boqol iyo Sadex Iyo Sadex Iyo Sideetan Kun Iyo Afar Boqol oo Dollar taas oo mid kasta qeyb ahaan lagu leeyahay sadexdan shirakadood ee ku ganacsada Bakhaarada Inji ee Berbera.

Gudoomiyaha Dardar galinta Dakhliga Wasaarada Maaliyada Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye Waxa uu sheegay in aan loo furi doonin shirkadahan bakhaaradooda ilaa ay bixiyaan Lacagataas Xadigeedu badanyahay ee dawlada Kaga maqan islamarkaana ah kiradii bakhaarada iyada oo talaabadanina qeyb ka tahay mashruuca lagu dardar galinayo Dakhliga dalka ee laguna soo ururinayo Lacagaha ganacsatada kaga maqan Wasaarada maaliyada.

Shirakadaha Sadexda ah ee bakhaaradan laga xidhay ayaan ila hada ka hadal talaabada lagaga Xidhay goobohooda ganacsi iyo waliba in Lacagtaas ku maqantahay oo dawladu ku leedahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here